Khilaaf ayaa soo kala dhex galay kuwii Somali loogu keenay inay hogaan u noqdaan,kuwaas oo ah kuwo ku mid baadil iyo Xaq daro.
Xasan Sheekh iyo Shirdoon “saacid” ayaa is haysta sida lagu soo waramayo,waxaana khilaaf intiisa badan keenay ama ka imanayaa Xisbiga Xasan sheekh ee loo DAMMU JADIID”DULMIGA CUSUB”
Dowlada ayaa isku hasyta habkii dowlado uga howl gali lahayd Kismaayo,inta aan Kenya u samayn maamul iyada hoos yimaada,waxaana howsha la rabaa in loo xil saaro Barre Hiraale iyo Indhacade walaalihii Dooxada Jubba”DOOXATADA JUBBA”,kuwaas maalmahan ku mashquulsan inay helaan Mooryaan ka dibna Doonyo lagu geeyo Kismaayo.
Kismaayo ayaa waxa isku hasyta qeybo badan waxaana iska cad unay tahay magaalo dagaal ma hurta ah,waana arin laga filayay Kismaayo.
Cidamadii Kenya oo Kismaayo tagay ayaa weli cabsi ku jooga Dekada iyo garoonka oo si gaar u qabsadeen,halka maleeshiyaadkii la socdana ay kala degan yihiin magaalada iyaga oo kala degan hab beeleed.
Xaarakatul shabaab mujaahidiin ayaa ah kuwa sida la ogyahay aan meel fog jirin,lamana oga sababta ay u sugayaan inta Maleeshiyaadku is farasaarayaan.
“Wixii aan Xaq ahayn Xal ma noqdaan”
Banaadir Post.