Ciidamada Uganda oo weli go’doon ku ah agagaarka deegaanka Yaaq-bari-weyne.

Askarta Uganda aya weli ku sugan Dhul howd ah oo Duleedka ka ah Deegaanak Yaaq-bari-weyne ee Gobalka Shabeelah hoose halkaasi oo Maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo ku qabsadeen.

Ciidmada ayaa cariiri geliyay isticmaalka wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo dad iyo gaadiid badani ay ku safri jireen.

Ciidamada ayaa qaarkood joogaan  halka loo yaqaan Ceel dhuun halkaasoo dhowr Kiilow Mitir dhanka Leego ka jirta Deegaanka Yaaq-bari-weyne.

Qeyb kale ayaa ku sugan Yaaq-biri-weyne qudhiisa halka in kalena joogaan Deegaanka carra tuurka ee u dhaxeeya Balli doogle iyo Yaaq Bari-weyne, waxaana askartaani yihiin kuwo isu gurmo la.

Dagaalkii u dambeeyay Doraad ayuu ka dhacay inta u dhaxaysa Yaaq-bari-weyne  iyo Balli doogle halkaasoo askarta Shisheeye iyo Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isku fara saareen.

Talaadaadii hore ilaa Sabtigii Doraad ahaa dagaalo is daba joog ah ayaa deegaanadaas ka dhacayay waxaana Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sheegtay in ay halkaas ku dishay  27 askeri oo 18-ka mid ah ay Uganda u dasheen.

Kuwa kale ayaa ka tirsan Ciidamada Dowladda Shisheeyuhu dhisay ee Soomaaliya ka jirta.

Dhibaatada ugu daran ayaa qabsatay askarta gaartay halka la yiraahdo Ceel dhuun kuwaasoo laga gubay gaari Taangi ah.

Xarakada Shabaabul Mujaahdiin waxa ay sheegtay in ay Saraakiil caddaan ah ay ku dileen Dagaalada ka dhacay agagaarka Yaaq-biri-weyne.

Dadka reer Miyiga ah ee deegaanadaas ku dhaqan waxa ay sheegeen in ay arkeen ciidamada Uganda oo halka loo yaqaan Ceel dhuunka dadka qaarna ay u yaqaanaan Iidow Jallaad ciidamada Uganada oo ku aasaya gaari Taangi ah oo ka gubtay si aan qasaarahooda  loo arag.Laba Jeel jire oo kala yiraahdo Cismaan Geeddi iyo Xoondoow  ayaa hore u sheegay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan in Shisheeyaha halkaas Mashaqo ku qabsatay.

Ciidamadaan ayaa hadafkoodu yahay inay gaaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay laakiin waxa ay cagaha la galeen weeraro is daba jooga ah oo kaga imaanaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kuwaasoo dhaliyay in dhiigoodu ku hooro Deegaanadaan oo sidoo kale askar badan looga dilay Dowladda Itoobiay Sanadkii 2008-dii.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdi-caziiz Abuu Muscab oo habeen hore Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in askartaanu rabeen in ciidamada Itoobiya kala wareegaan Gacan ku haynta Magaalada Baydhabo Maadaama Itoobiyaanku ku daaleen buu yiri weerarada Mujaahidiinta kaga imaanaya.

Waxa uu intaas ku daray in dagaaladii ka dhacayay Maalmihii tigay Yaaq-biri-weyne Nawaaxigeeda Dhankooda hal Mujaahid kaga Shahiiday Todobo kalena ay kaga dhaawacmeen kuwaasoo uu rejeeyay in uu Alle Caafimaad taam ah siiyo.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.