“Ciidamada Amisom ayaa ka codsanay inay wax ka qabtaan Ciidamada Dowlada oo dadka ku dhaca Shabeelada Hoose!”(Hadii la yaabo Yaasiinka”

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa qeylo dhaan xoogan ka soo saaray ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo dhac baahsan ka wada degaano badan oo ka tirsan gobolkaas kuwaasoo aysan jirin cid ay ka amar qaataan.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka Sh/hoose Maxamed Cumar Carabey ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay shacabka gobolka iska xirtaan, hantidoodana iska boobaan iyadii aysan jirin ayuu yiri cid ay u dacwoodaan, isagoo xusay degaanada ugu daran ee dadka lagu dhaco in ay yihiin kuwio ku teedsan wadada isku xirta Afgooye iyo Marka.

Shabeelada hoose ayaa waxaa ka taagan dhibaato lagu hayo dadka shacabka ah oo mudo dheer aan arag isbaaro iyo dhac,waxaana dhibaato xoogan ka taagan tahay Xamar ilaa Afgooye,NO50 ilaa Marka iyo Wanlaweyn oo ay dhawaan tageen Ciidamada Calooshooda ku shaqeeya ee Amisom iyo maleeshiyaadka  Dowlada oo dhibaato ku haya dadka.

Dadka dhulkaas  ku safra ayaa soo sheegay waxa ay arkeen inaysan arkin mudo dheer oo ay la yaabeen dhaqan xumada iyo dhacan.

Waa siyaasad cusub oo ay ciyaarayaan kuwa loogu yeero beesha caalamku gaar ahaan kuwa Xalane  degan,askarigii aad u dhaqan oo dadka dhaca dumarkana kufsada mushaar gaar ah ayuu leeyahay,waxaana  maleeshiyaad ka mid kuwo gaar loo sameeyay inay howahaas fuliyaan, si dad u jecladaan ciidanka Amisom,looguna dacwo tago,ka dibna muhiimad ka yeeshaan Maleeshiyaadka Dowlada oo la rabo nin laga maarmo!

Dadka ayaa u darsaday Shabaabkii ay ku hoos noolayeen nabadana ku qabeen iyo u xukun tagistii xukunka Alle oo mudo meesha maqan!”Hadii la yaabo yaasiinka”

Banaadir Post.