Yaa Banneeyay Boobka Bacadlihii Xamar Weyne?

  • Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay baqtiyaanasiibkii loo ballansanaa18-ka Oct 2012, oo lagu qeybin lahaa qololka suuqa Bacadlaha Xamarweyne, waxaana dib loo dhigay ilaa 25-ka Octobar 2012. Afhayeenka ayaa arrintaas asbuuca dib loogu dhigay baqsiyaansiibka ay tahay “cillad farsamo”, waxana uu sheegay in 25-ka Oct Hotel City Plaza ee Muqdisho lagu qaban doono “munaasabada lagu kala qaadan doono baqtiyaa nasiibka”..

Waxaa toddobaadyadaan la hadal hayay qorshe uu wado maamulka gobolka Banaadir oo dib loogu howlgalinayo bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho. Dhanka kalena waxaa jira cabashooyin sii badanaya oo ka soo yeeraya ganacsatadii hore ee suuqaasi oo maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay wax isdabamarin.

Waxay ganacsatadu ku doodayaan in uu dhulkaas oo horay ay u sharciyaysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, uu haatan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur ( Tarsan) uu isku dayayo inuu dad kale dib ugu sharciyeeyo suuqaasi isagoo qolkiiba ka qaadanaya lacag qaddarkeedu yahay 2000 (laba kun) oo Doollar.

Haddaba SomaliTalk markii ay arrinkaasi baaritaan ku sameysay ayay ogaatay in ay wax ka jiraan eedeymaha ay ganacsatadu soo jeediyeen.

Suuqii bacadlaha ee degmada Xamarweyne oo ka mid ahaa suuqyada ugu caansan uguna waaweyn Afrikada Bari ayaa wuxuu gubtay bishii Disembar ee sanadkii 1983dii, halkaasna waxaa ku basbeelay hanti aad u fara badan, waxaana ku xoola-beelay kummaan ganacsato Soomaaliyeed ah.

Dadaal dheer ka dib, waxaa suurogashay in bacadlahaas dib loo dhiso xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayadoona mashruucaas ay wadajir u hirgaliyeen, dowladda hoose ee gobolka Banaadir iyo shirkaddii Caymiska Qaranka. Dhismaha bacadlaha cusub oo saddex dabaq ah wuxuu ka koobanyahay in kabadan 1000 dukaan, kuwaasoo xilligii dowladdii dhexe dib loogu qaybiyay, looguna sharciyeeyay ganacsatadii ku hanti beeshay musiibadii gubasho ee suuqii bacadlaha Xamarweyne.

Waxaa SomaliTalk u suuragashay in ay la xiriirto waxna ka weydiiso arrinkaan Dr Cabdi Axmed Siyaad oo muddo toban sano ka badan ahaa Garyaqaankii dowladda hose, isagoo muddo dheerna ahaa la taliyaha xagga sharciga ee duqa magaalada Muqdisho. Dr Siyaad, wuxuu sidoo kale bare ka ahaa kulliyaddii qaynuunka ee Jaamacaddii Soomaaliya, waaxdeeda qaynuunka madaniga ah. Mar aan wax ka weydiinnay waxa uu ka ogyahay murankan ku saabsan suuqa bacadlaha, ayuu garyaqaanku noo xaqiijiyay in suuqaas ay horay u sharciyaysay dolwaddii dhexe, loona qaybiyay ganacsatadii hore, ayadoo waliba ganacsade waliba lambarka dukaankiisa uu ku helay baqtiyaanasiib meel fagaare ah lagu qabtay.


Suuqa Bacadlaha Xamarweyne: Sawirka: Google image search.

War uu faafiyay telefashinka HCTV kuna saabsanaa shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen ganacsatadii hore ee suuqa bacadlaha degmada Xamarweyne taariikhdu markey aheyd 27kii Julaay 2012, ayaa Ganacsatadu waxay ka codsadeen mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda in ay wax ka qabtaan eedeymo ay u jeediyeen maamulka gobolka Banaadir taasoo ku aaddan in shaqsiyaad gaar ah maamulku uu siiyay dhismayaashii suuqaasi. Waxay ganacsatadu halkaas ku soo bandhigeen dokumentiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka haystaan dowladdii dhexe ee burburtay 91kii iyo dowladihii ka dambeeyayba.

Guddoomiyihii hore ee ganacsatada suuqa bacadlaha ee degmada xamarweyne, xilligii dowladdii dhexe, ayaa kaga digay shaqsiyaadka doonaya in ay degaan suuqaasi, waxana uu ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarsan inuu si sharci darro ah ku qaybinayo dhulkaas, isagoo sheegay in Tarsan yiri bacadlaha arjiyo ha loo qorto 2000 (laba kun) oo doollarna ha la ii keeno.

Guddoomiyihii hore ganacsatada oo ay wajigiisa caro xooggani ka muuqato ayaa ka hadlay wixii ay kala kulmeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Nuur (Tarsan) markii ay cabasho arrinkaas ku saabsan ula tageen. Waxaana hadalladii guddoomiyihii hore ee ganacsatada ka mid ahaa:

” .. Waayahee dadkii hantidoodu ku gubatay 28 sano ka hor, intaasna soo taagnaay oo dowlad kasta u dacwoonaayay, oo xitaa dowladdii adiga kaa horreysay xafiiskaan aad joogto, xafiiskaan naftiisa looga soo ogolaaday oon waxba la siinnin oo sidii u taagan, xafiiskaan aad fadhiso naftiisana looga ogolaaday in ay qaybsadaan maxaad ka leedahay? maba idin qaabilaayow yiri”.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ganacsatadii suuqa bacadlaha ee degmada Xamarweyne ayaa isna ka hadlay wajigabaxii ay kala kulmeen maamulka gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dayeen in kulamo la yeeshaan mas’ uuliyiintaasi, isagoo sidoo kalena madaxda sarsare ee dowladda ugu baaqay in dhamaanba ganacsatadii suuqaasi xaqoodii dib loogu soo celiyo. Waxaana hadalladii guddoomiye ku xigeenka ka mid ahaa :

” Horto waxan u haynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu yahay madaxdeennii. Ha ahaatee markuu asaga yimid ayaa waxaan sameynay codsi inuu nala kulmo. Arrintaas ayada ah wajigabax ayaan kala soo kulannay. Nin yar oo asaga shaqaalihiisa ka mid ah ayuu nagu soo diray ow yiri nimankaan qaabili maayee xafiiska iiga saara. Horto gurigaan asoo dhisanow guddoomiyaha gobolku yimid, hortiis magaaladaan dadaa ka tagay sey ku timid iyo sey ku soo billaabatayna taariikhdeedii waa la hayaa”.

Dadka arrimahan la socda ayaa filayey mar haddii dalku uu yeeshay dawlad rasmi ah in ay tixgelin doonto sharciyadii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, islaamrkaasna tixgelinayo ganacsatadii ay dawladdii dhexe siisay sharciyada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne..

Laakiin, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa (Oct 9, 2012) shirjaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in 18-ka October 2012 la qaban doono bakhtiyeenasiib lagu dooranayo nambarada dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne.

Waxaa taas xigtey in Oct 16, 2012 uu afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan sheegay in dib loo dhigay baqtiyaanasiibkii lo ballansanaa18-ka Oct 2012 ee lagu qeybin lahaa qololka suuqa Bacadlaha Xamarweyne, waxaana dib loo dhigay ilaa 25-ka Octobar 2012. Afhayeenka ayaa arrintaas asbuuca dib loogu dhigay baqsiyaansiibka ay tahay “cillad farsamo”, waxana uu sheegay in 25-ka Oct Hotel City Plaza ee Muqdisho lagu qaban doono “munaasabada lagu kala qaadan doono baqtiyaa nasiibka”..

Arrintaasi (baqtiyaanasiibka lagu bixinayo Suuqa ayadoo ay joogaan dadkii ay dawladdii hore u sharciyaysay) waxay welwel weyn ku abuurtay ganaacsada Soomaaliyeed oo rajaynayey marka dalku yeesho dawlad rasmi ah in cabashayoon-kooda wax laga qaban doono, ay ugu horeyso in dawladdu tixgeliso sharciyadii dawladdii dhexe ay ku bixisay Suuqa Bacadlaha.

Sidoo kale arrintan haddii aan dawladdu wax ka qaban, waxay hordhac u noqon kartaa in la banaystay boobka bacadlaha Xamar weyne, sidaas oo kalena loo bannaysto dhammaan dhismayaashii dawladda, sida, tusaale ahaan in ciddii la doono bakhtiyaansiib lagu siiyo dhismihii Jaamacadda Gahayr iyo Lafoole, guriga madxafka Qaranka, madbacaddii Qaranka iwm.

Gabagabadii, si arrrintaas caddaalad darro aysan ugu dambayn, waxaa la gudboon Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka hortagto oo joojiso bakhtiyaanasiibka la doonayo in loo dhigo dukaamada Suuqa Bacadlaha Xamarweyne. Isla markaasna arrintan u saarto guddi dhexdhexaad ah, gudddigaas oo dadkii sharciyada hore u haystay Bacadlaha ku wareejiya lamabardoodii sidii ay ugu sharciyaysay dawladdii dhexe.

28-kii Agoosto 2012 ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxay guddoomiye u doorteen Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Waxaa xigtey in 10-kii September 2012 ay baarlamaanku Madaxweynaha DFS u doorteen Xasan Sh. Maxamuud Culusow, oo isna 6-dii October  2012 Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon. Waxaana Baarlamaanku ay Shirdoon cod aqbalabiyad ah ku ansixiyeen 17-kii October 2012. Waxaana shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii hore ay il gaar ah ku hayaan sida Dawladda cusub FS ay u maarayso arrinta Suuqa Bacadlaha.

Maxkamadda Sare oo Amar ka soo saartay Lacagaha sida sharci darrada ah loo qaado :

October 16, 2012 ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, waxa uu soo saartay amar lagu mamnuucayo qaadashada lacag aysan ogeyn hay’adaha dhaqaalaha dalka. Amarkan ayaa soo baxay kaddib markii ay maxakamadda dacwad usoo gudbiyeen iskaashatada gaadiidka Gobolka Banaadir oo ka cabanaya lacago ay ka qaado wasaaradda gaadiidka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ilka-xanaf, waxa uu arrintaas ka yiri “Amarkan waxaan u soo saarnay markii ay dacwad inoo soo gudbiyeen iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir, taasoo ay ku sheegeen in lacago aan sharci ahayn ay ka qaaddo Wasaaradda Gaadiidka. Amarkaan wuxuu saameynayaa cid walba oo qaadda lacago aan sharci ahayn.”

Halkan ka akhri: Mar Xaladihii kala Duwanaa ee uu soo Marey Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne

Aragtida Dadweynaha: Ra’yigaaga ka dhiibo HALKAN…

Daawo Video-ga hoose oo ah July 27, 2012 warkii uu TVka Horn ka duubay Ganacsatadii Hore Ee Suuqa Bacadlaha Degmada Xamar. Ganacsatadaas oo  xitaa haysta Nuqulka Wargeyskii XIDDIGTA OKTOBAR oo ay ku qoran yihiin magacdooda iyo lambarada dukaamada ay xilligaas dawladii dhexe bixisay.  http://www.hctv.tv/?p=2208


LIFAAQ:

July 2010 ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa loo doortay Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, asagoo bedeley Eng C/risaaq Maxamed Nuur “Nuune” (oo xilkaas loo doortay Bishii November 2009), waxaana ka sii horeeyey Maxamed Cismaan Cali “Dhagaxtuur” (oo xilkaas la wareegey Nov 2008).

June 2007 ayaa dhismaha Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne waxaa lagu wareejiyey Dawladdii Federaalka KMG ahayd. Munaasabadda lagu wareejinayey oo ka dhacday Suuqa Bacadlaha waxaa goob joog ka ahaa Maxamed Cusmaan (Dhagaxtuur) oo xilligaas ahaa guddoomiye ku xigeenka Duqa Magalad Muqdisho ee arrimaha Bulshada. Waxaana halkaasi ka hadlay horjoogihii kooxdii muddada soo haysay bacadlaha, Cusmaan Maxamuud Cawaale (Baynood), waxa uuna sheegay in intii ay hayeen ay kala kulmeen dhibaatooyin, isagoo sheegay in ay Maamulka Gobalka Banaadir ugu wareejiyeen si shuruud la’an ah.

Bacadlaha cusub ayaa la dhisay kaddib markii Suuqii hore ee Bacadlaha Xamarweyne uu gubtay bishii December ee sanadkii 1983. Waxaa markaas Dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay sharci dukaamada bacadlaha ku siisay dadkii hantidoodu ku gubatey suuqa.

Waxaana hadda shacabka Soomaaliyeed ka filayaan dawladda rasmiga ah ee Soomaaliya yeelataya 21 sano kaddib in ay u caddaalad fasho ummadda Soomaaliyeed.

Mar Xaladihii kala Duwanaa ee uu soo Marey Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne

“ Yaabee Ma Dawladda ayaa ka Duwan Dawladdii hore”

In badan oo ka mid ah Jiilka maanta jooga ayaa laga yaabaa inaysan wax badan kala socon Maraaxiishii kala duwanaa ee uu soo maray Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne iyo asal ahaan wixii uu ahaan jiray iyadoona laga yaabo in ay ku soo indha Bikaacsadeen oo keliya qaabka uu iminka u Dhisan yahay isla markaana intii Dowlada Federaalka aysan Xoog uga saarin dad Barakacayaal ah kuwaasoo ay ka Kiraysteen dad iyagu sheegey inay Badbaadiyeen kana Badbaadiyeen burburkii saameeyay qaybaha kale ee dalka.

Sanadihii lixdameeyadii ayaa loo celiyaa bilowgii Suuqaas walow laga yaabo in ay ka sii horeysey Xiligii Suuqaas Budka loo dhigay, waxay Taariikhda faca weyn ee Magaalada Muqdisho ay noo sheegeysaa in Suuqaas Xamar weyne uu ka mid ahaa meelihii ugu horeeyay ee ay ka bilaabantay Xaddaaradda iyo ilbaxnimada, waxaana igu Maqaala ah in mar sii hore uu ahaa meel lagu iibiyo Khudaarta, Digaagga, Xaabada, Ikunta, Badarka, Dalagyada kale ee Dalka ka baxa sida Waambaha, Digirta, Masagada iyo wixii la mid ah waxaana la dhihi karaa waa Suuqii ugu horeeyay ee ganacsigu ka amba qaado Dalka Soomaliya.

Suuqa Xamar weyne hadaan ka hadlo Ganacsigii ka jiray ma is weydiinay wixii uu Dhismihiisu ka koobnaa wuxuu ahaa Suuq Balo Balo ka samaysan waxaana la dhihi jiray Suuqa Bal Bala weyn kaasoo Dhalashadii Kacaanka wax xoogaa is bedel ah lagu sameeyay iyadoona laga dhisay Dhismo weyn oo dhowr qaybood ka kooban halka qaybta kalena uu ka ahaa Jiingado Suuqaas oo ahaa mid furan oo aan lahayn qaybo kala go’an.

Muddo kaddib ayaa dhowr ka mid ahayd Ganacsatadii Suuqaas ayaa waxa ay go’aansadeen inay ku daraan qayb Dharka lagu iibiyo maadaama Suuqa badankiisu ahaa Raashiin iyo Khudaar, fikirkaas oo ahaa mid si weyn loogu diirsaday ayay Ganacsatadaasi ka fikiraan sidii Suuqaas ay uga dhaqan gelin lahaayeen qaybta Dharka iyagoona markiiba ku tallaabsaday in arrintaas ay weydiistan Xukuumadii markaas jirtay oo weydiisteen in loo Sharciyeeyo maadaama Dhismihii Bacadluhu ballaartay isla markaana dadka u soo Dukaameysi tagaya ay aad u sii kordhayan maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo ayna dhici jirtay in mararka qaarkood looga soo Dukaameysi tago Soomaaliya oo dhan Goboladeeda kala duwan.

Xaaji Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dadkii Aas-Aaska u dhigay Suuqaas oo aan kala sheekeystay arrimaha Suuqaas ayaa ii sheegey in iyagu Sharciyan ay Dhulkaas u lahaayeen isla markaana Dawladdu u Sharciyeysey isagoona intaa sii raaciyay “Markii hore waxaan bixin jirnay Cashuur maallinla ah oo ay Dawladda Hoose naga qaadan jirtay” kaddib markii uu Suuqii sii weynaaday ayuu wuxuu sheegey Xaajigu in ay bixin jireen Cashuur Sanadeedkii.

Suuqaas Bacadlaha Xamar weyne wuxuu noqday Suuq aad u weyn oo laga heli jiray wax walba haba ugu weynaado iibsiga Dharka markii ay aragtay Dawladdu in Suuqu kordhayo Dhaqaala badana uu ka soo Xaroonayo ayay waxay bilowdey in ay naga qaadaan Cashuur ay ugu magacdareen Macaash Macaash taasoo uu sheegey in ay ganacsatadii qaadi waayeen maadaama laga qaado Cashuur Maalinla ah iyo mid Sanadla ah. Iyo tii Macaash Macaashka.

Xaajiga oo hadallkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Xukuumaddii Milateriga ahayd ee xiligaas jirtay ay u qoreen cabasha ah inaysan Xamili Karin Cashuurahaa faraha badan ee laga qaado taasoo Dawladduna ay ku adkaysatay in Cashuurahaas la bixiyo maadaama uu dalku ku jiro Kobcin Dhaqaale.

Xaaji Maxamed ayaa sheegey in mar kale ay weydiisteen Xukuumadda in Cashuur Dhimis loo sameeyo maadaama ay Suuqa ku soo kordheen Ganacsato Dharkii ka ganacsanaysa isla markaana wadata Gaari Gacmeedyo kuwaas oo hor istaag ku sameeyay amacaqabad ku noqotay Ganacsigoodii hase yeeshee in kastoo Dawladdii dagaal ay la gashay Ganacsatadaas Suuqa ku soo korortay haddana waxa ay ku guulaysan weydey inay xakameyso Gaari Gacmeedyadii caqabada ku ahaa Ganacsatadii Shutuuda Ganacsi lahayd.

Mar uu Xaajiga ka jawabaayay Su’aal aan weydiyay oo ahayd maxaa kuugu yaab badnaa intii aad Ganacsiga Bacadlaha ku jirtay wuxuuna iigu jawaabay “Koox Ganacsata ah oo Dharka keenta ayaa waxa ay na hoos geliyeen Dhar uu ku Sawiran yahay Calanka Itoobiya iyadoo la ogyahay cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya xiligaas ka dhaxeeyay halkii uu marayay taasoo Dharkaas aan ku mutaysanay in nala xiro anagoo dhowr ah iyadoo Xarigeenana loo aaneynayay Dharka uu ku Sawirnaa Calanka Itoobiyaanka oo naloo arkay inaan taageerayaal u nahay Itoobiya iyadoo kuwii Dharkaas nagu khaldayna ay dalka isaga baxsadeen taasoo Dawladuna muddo baadi goob ugu jirtay” .

Xaajiga waxaan weydiinayay waqtigii uu Suuqaas gubtay wuxuuna ku jawaabay “1983dii Xilli Habeenima ah ayuu dab qabsaday Suuqaas kaasoo baabi’iyay dhamaan qaybihii kala duwanaa ee Suuqaas iyo Hantidii taalayba oo ay ugu horeeyeen Dharkii yaalay Bacadlaha iyo lacagihii ganacsatada halkaa u taalay oo aysan cidna u badbaadin Shilin keliya halkaasoo nin Habeenkaas fiidkiisii Hantiile ahaa markii uu Waagu baryayna fara marnaan la soo toosay ”

Xiligaas wixii ka dambeeyay Xukuumadii Dalka ka arriminaysey waxa ay bilowdey Barnamijyo dhowr ah oo ay ugu horeysey in la diiwaan geliyo gebi ahaanba Ganacsatadii halkaas ganacsiga ku lahayd sidoo kale waxa ay bilowdey in halkaas laga bilaabo Mashruuc Suuq cusub oo casri ah oo soconayay muddo dhowr Sano ah iyadoona loo ballan qaaday Ganacsatadii halkaas ku lahayd Ganacsiga in mudnaanta Koowaad iyaga ay leeyihiin.


Suuqa Bacadlaha Xamarweyne: Sawirka: Google image search.

Dhowr Sano kaddib waxaa la soo af jaray Dhismihii Suuqaas iyadoona la bilaabay in Furayaashii Suuqaas lagu wareejiyo ganacsato la xaqiijiyay in halkaas ay ku lahaayeen ganacsi wallow ay jireen dad yar oo loo gartay in iyaguna wax laga siiyo Suuqaas iyadoo xiliguna uu ahaa xiligii ay sii ciireysey Xukuumaddii Siyaad Barre Ganacsatduna aysan Nasiib u yeelan in ay Calfadaan Suuqii Casriga ahaa ee markaas faraha laga qaaday Dhismihiisa.

Waxaan weydiiyay Xaajiga inuu dib u soo laabto ganacsigii Suuqii Bacadlihii Xamar weyne wuxuuna isagoo si aad ah u niyad xun ku jawaabay “Maya Maya’ waayo maanta Magaalada Muqdisho waa wada Suuq iyo Carwo suurta galna ma aha in ganacsigii waagaas uu dib u soo laabto isagoona xusuustiisa ku reebey waagaas in ganacsigooda looga iman jiray illaa Itoobiya iyo dalal kale oo Mandiqadda ku yaala marka laga yimaado Gobolada Soomaaliya isagoona Tusaale u soo qaatay waagaas in qof jooga Hargaysa uu Taleefan u soo diro kana soo dalbado Dhar kala duwan,maanta Hargaysa waa isku filaantay goboladii kalena waa isku filaadeen” ayuu su’aashaas kaga gaabsaday isagoona dhinaca kalena ii raaciyay “Dharku Maanta waa Balli Balli” .

Sumcaddii uu Suuqaas ka gaaray dhinaca Horumarka ganacsiga waxaa sii caawinayay oo Dacalka ku hayay meeshii loo yiqiin Meymanka ama Suuqii Dahablaha Xamar Weyne oo Bacadlaha la Deriska ahaa halkaasoo lagu iibin jiray ama ahaa Suuqa ugu ballaaran ee Dahabka, maantase Dahabkii meel walba ayuu yaala Boosaaso, Gaalkacyo Kismaayo Hargaysa halkii awal loo soo aadi jiray Magaalada Muqdisha.


Yaa Banneeyay Boobka Bacadlihii Xamar Weyne?

Haddaba Suuqii dhibkaas loo soo maray oo rag ku hanta beeleen isla markaana la helayo dadkii Dhulka ku lahaa goobtaas in maanta xaqoodii la duudsiyo Cadaaladaradda intaa la eg anigu ma garan karo , ma Dawladda ayaa ka duwan Dawladdii hore oo inta dadkii Guryo u dhistay haddana u ogolaatay in ay ku wareejiso sidaa darteed Ganacsatadii Suuqaas xaqa u lahayd waxa ay il gaar ah ku eegayaan Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra’iisul Wasaare Shirdoon iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyagoona ka dhul sugaya sida loo wajaho qaybinta Suuqaas , sidoo kalena waa in ganacsatada cusub ee Hantidooda galinaya Bacadlaha Xamar Weyne in ay Alle uga baqaan oo Xoolahooda ku raadsadaan meel Xalaal ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Nail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

XIGASHO SOMALITALK.

http://somalitalk.com/2012/bacadlaha/suuqa.html

http://somalitalk.com/2012/bacadlaha/suuqa2.html