Todobaad Kadib Warbixintii Jamaal, Waa Sidee Shacuurta Wariyaasha?. (Qore C/fitaax Filibiin)

Wargeyska The Guardian ayaa todobaadkii lasoo dhaafay baahiyay warbixin uu qoray wariye Jamaal Cusmaan oo ka tirsan TV-ga Channel4 ee dalka Ingiriiska, taasoo uu kaga hadlayay marxaladda ay ku shaqeeyaan wariyaasha Muqdisho.

Jamaal oo muddo dhowr jeer ah yimid dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa war bixintiisa ku sheegay in wariyaashu isugu jiraan kuwa milatari ah oo dagaalama, kuwa laaluush ku shaqeeya (Sharuur) iyo kuwa kale.

Hab dhaqanka noocaas ah ee wariyaasha ayuu Jamaal ku tilmaamay inuu yahay midka mar walba sababa dilkooda.

Haddaba waxaan qoraalkrygan uga hadli doonaa, waxa ka jira war bixinta wariye Jamaal iyo saameynta ay yeelatay.

Marka hore waxaan leeyahay, dhinac ayuu ku saxanyahay wariyuhu, dhanna wuu ku khaldanyahay.

Waa midda kowaade, waxa uu wariyuhu ku saxanyahay tilmaamaha uu saxafiyiinta ka bixiyay.

Sababta aan sidaa u leeyahay ayaa waxay tahay in aan dalka jooga, lana socdo duruufaha ay saxaafaddu ku shaqeyso, haba kala duwanaadeene.

Anigu ma oranayo dhammaan wariyaashu waa ciidamo, laakin waxaan xaqiijinayaa in ay jiraan kuwa ciidamo ah oo u shaqeeya Amisom iyo labada idaacadood ee dowladda maqaar saarka.

Qaar kamid ah wariyaashaasi ayaaba ku faana malleyshiyonimadooda, iyagoo waqtiyada qaar isku soo sawira labiska ciidamada shisheeye iyo kan ciidanka dowladda.

Maxaa ka jira xogta kale ee uu wariye Jamaal Cusmaan ku sheegay in qeybaha kale ee wariyaashu yihiin laaluush qaatayaal (sharuur)?.

Erayga Sharuur waa eray bixin reer magaalnimo oo ay wariyaasha Muqdisho soo hindiseen, kaasoo micnihiisu yahay laaluush, wuxuuna xilligan caan ka yahay xarumaha dowladda, xafiisyada hey’adaha, ururada bulshada rayidka iyo meelaha lamidka ah ee magaalada Muqdisho.

Laaluushakan ayaa keena in si fudud loo isticmaalo wariyaha, khatarna la galiyo nafsaddiisa, maadaama milkiilayaasha warbaahinada lagu eedeeyo in ay ku tuntaan xuquuqda wariyaha.

Sharuurka ayaa wuxuu aad u shaqeeyaa waqtiyada uu khilaafka ka dhex jiro madaxda dowladda iyo xilliyada ay ciidamada shisheeye doonayaan in ay duulaan qaadaan.

Idaacad aan dhageysanayay baa maalin warkeeda duhurnimo ku sheegtay in ay is khilaafeen labada Shariif, la iskuna heysto lacag uu lunsaday Shariif Xassan, arinta aan la yaabay ayaa waxay ahayd in isla idaacaddaasi warkeedii habeenimo ay ku sheegtay in uu khilaafku sii kordhay, kuna saleysanyahay ku takri fal awoodeed oo uu madaxweynuhu sameeyay.

Warkii ayaa waxaa lagu amaanay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo mar walba magaciisa la raacinayay mudane iyo erayo kale oo aanan warkii duhurnimo lagu oran.

Muxuu Ku Dhaliilanyahay Jamaal

Maadaama uu warbixintiisa ka run sheegay wariyuhu, haddana ma ahayn in uu waqti isaga lumiyo dad uu mar hore damiirkoodu dhintay.

Saameynta warbixintiisa

Si kastaba ha ahaatee war bixinta wariye Jamaal ayaa si khaas ah u saameysay wariyaasha Amisom, kuwa u shaqeeya dowladda maqaar saarka iyo kuwa cilaaqadada la leh.

Qaar kamid ah wariyaashaasi iyo madaxdooda oo isticmaalaya idaacadda dowladda shisheeyuhu dhisay ayaa sheegay in Jamaal ay dacweynayaan.

Ninka ku caan baxay sameynta geeraarada, masuulkana ka ah idaacadda labaad ee dowladda maqaar saarka iyo wariye ka tirsan wakaaladda wararka Mareykanka ayaa hadalkooda ku gaabsaday in Jamaal uu meel kaga dhacay ummada Soomaaliyeed.

Gunaanad

Waxaan qormadeydan kusoo gunaanadayaa, dardaaran guud iyo mid gaar ahaaneed oo ku socda saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Nabigeena CSW wuxuu qof walboo inaga mid ah ku leeyahay:- من كان يؤمن بالله واليوم ألاخر فليقل خيرا أوليصمت
Kheyr ku hadal ama iska aamus” sidaa darteed waxaan nafteyda iyo tiinaba u dardaarmayaa in aan ka fiirsano hadalkeena.

Miyuusigga oo dadka dhagahooda lagu sii daayo iyo  dhaqamada gaalada oo dadka la baro ma ahan kheyr ee aan is xisaabino dhammaanteen.

Si khaas ah waxaan u dardaarmayaa in aan iska ilaalino u iilashada gaalada dalka kusoo duushay ee calaamadda saliibka xiran in yarba ha ahaate’e, Allaah subxaanahu wataa wuxuu leeyahay “ولا تركنو الي الذين ظلمو” .

Sidoo kale wuxuu Allaah SW inooga digayaa in aan ku garab noqono Yahuud iyo Kiristan, isagoo qur’aanka kariimka inoogu cadeeyay ciddii gaalada walaheeda siisa in ay gaalowday . “ومن يتولهم منكم فانه منهم“.