Gumaystaha madow iyo sidow noo gumeeyay!!

Sheekhuna Maye waa ninka ku magacaaban inow yahay Taliyaha Booliska Somaliyeed,wuxuu u Sujuudayaa madaxa hoos ugu dhigaya Laba alife ka tirsan ciidanka Amisom kuwooda xooga ku jooga gegida Diyaaradaha ee magaalada Moqdisho.
Sheekhuna Maye ayaa ah nin waayeel ah oo ciidan ahaan jiray,wax badana qurbaha ku nooolaa maxaa ku kalifay in sidan loo bahdilo?.
Sanadkan bilowgiisa ayaa sheekuna Maye waxaa dharbaaxday candhuufna ku tuftay gabar ka tirsan ciidamada gumaysiga madow ee Amisom,taaso aan waxba laga soo qaadin.

Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.  John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.)  Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.  Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo.  Wuxuu yidhi: 

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
  • Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
  • Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye
  • Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane
  • Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
  • Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye
  • Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
  • Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede
  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
  • Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin
  • Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)
  • Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
  • Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane

Banaadir Post.