Waxaana arintan laga yaabaa inay sababto inay Qaadka joojiyaan Muqayaliin horey ugu dhacay cudur daawadiisa la waayay,waxaana arintaan loo badinayaa inay sababtay Eeyada Beeraha Qaadka ilaaliya oo amar lagusiiyo inay ku kaadiyaan kuna saxaroodaan Qaadka.
Iyadoo lawada ogsoon yahay in qaadku yahay xaaraan , caafimaadkii dhalinyarada iyo dhaqaalihii ummadeenana uu bur buriyey, ayaa dhanka kale waxaa soo baxaya masawiro katurjumaya sida aan marnaba wax xushmad ah loogu hayn dadka qaadka cuna ee kunool wadamada reer galbeedka ah kuwaasoo amar kusiiya eyda inay ku saxaroodaan qaadka korkiisa.
Arintaas ayaan waxaan wax kawaydiinay qaar kamida culumada ugu waaweyn magaaladan London ,waxana marka hore isku wada raaceen inuu qaadku yahay xaaraan, hadii EY taabto ama ku kor fariistom iyo hadii uu ku kor saxaroodo wuxuu Qaadkaasi noqonayaa xaaraan lagu daray najaaso.
Hadaba su,aasha is weydiinta leh waxay tahay,muqayaliintu maxay najaasadaan cusub kayeeli doonaan iyadoo weliba dhaqaatiirtu sheegaan in xanuuno Qatar ah laga qaadi karo kaadida eyga?
Waxaan ugu baaqaynaa Muqayiliinta Soomaaliyeed ee kunool wadamada reer galbeedka ah inay iska ilaaliyaan , iska yareeyaan, iska daayaan, cunista qaadka , ama ugu yaraan is ka mayraan kaadida iyo Saxarada Eeyadda.
XIGASHO Shacabkamedia.