Maxaa ka Qabsaday way Qarsanayaane!Ciidanka Amisom oo calooshooda ku shaqeeya ayaa weli ku dhiigbaxaysa gayiga Somaliyeed.

Ciidanka Amisom oo calooshooda ku shaqeeya ayaa weli ku dhiigbaxaysa gayiga Somaliyeed.
Dagaalkan ayaa ah mid leh madaxyo badan laakiin sida la filayo u eg mid Amisom ku daba dheeraan doona hadii ay sii joogaan gayiga Somaliyeed.
Jidka u dhaxeeya WANLAWEYN ILAA YAAQBAERWEYNE ayaa ah jid ay hore ugu jabeen Xabashidii dulaanka ku timid Moqdisho sanadihii 2006-08.taaso tiro ahaan iyo ciidan ahaan ka tayo badnayd kuwan loogu yeero Amisom,waxaa kale markaas jiray in dagaalku oo lahaa weji kale oo kan maanta ka duwan.

Dhowr maalinka hor ayay Amisom ku weysey ciidamo badan kuwaas oo la sheegay in laga dhoofiyay garoonka Moqdisho dhaawac iyo dhishaba,waana dhib gaaraya kuwa soo duulay.

Shalay ayaa dagaal kale ka dhacay iska jidkaas dheer kaas oo looga gubay Kaare iyo gadiid kale oo ay ku hubaysanayeen ciidanka Amisom,waxaana dhacdey inay ilaa maanta joogaan goobtii shalay oo hadana maanta dagaal kale ku qabsaday.
Lama oga qasaaraha inta oo la egyahay laakin waxaa la hubaa in qasaaro xoog leh gaaray ciidamada Amisom oo dhib hor leh lugta la galay.
Maanta ayaa hal sano laga joogaa Xasuuqii Dayniile loo gaystay Ciidamada calooshooda ku shaqeeya e Amisom kuwaas oo u badnaa Burundi,waxaana laga xusay Bujumbura oo looga baruurdiiqay wiilashii kaga hoobtay dagaalkii dayniile.