Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isbaaro isku qabsaday iyo Gaari Rakaab ah oo Balidoogle lagu leexsaday!!

 Maleeshiyaad ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Lambar Konton ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Maleeshiyaad  ka tirsan Dowladda ay isku dayeen inay qaadaan Isbaaro   Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Dowladda  u taallay deegaanka Lambar Konton ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal qasaaro gaystay.

Wararka nagasoo gaaraya garoonka Balli doogle ayaa sheegaya in maleeshiyaad murtadiinta ay baarteen gaari rakaab ah oo kusii jeeday degmada Baardheere.

Qaar kamid ah rakaabkii saarnaay gaariga labaartay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laga qaatay lacago,dahab iyo badeecado ganacsi oo dhanka baardheere kusii jeeday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gaarigii labaartay oo faaruq ah uu dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho, cadawga ku duulay wilaayaatka islaamiga ah ayaa dhibaato dhan walba ah ku haya bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shalay ayay ahayd markii ay dileen qof dumar  ah oo diiday in lagu hor  kufsado gabar yar oo ay dhashay,waxaana jirin qof sheegta inow mas’uul yahay oo ka hadlay.

Banaadir Post.