Jamal Osman ayaa ah wariye wax badan kala socda xaalada saxaafada somaliyeed oo sanooyinkan danbe ah mid silic iyo aqoonyari la soo daristay,waxaana dhibkaas intiisa badan iska leh qabyaalada iyo qarash raadis taaso meesha ka saartay Aqlaaqda saxaafada”Etica” la iska rabo.
Warbaahinta Muqdisho iyo Wariyayaasha Xirfada yare e kahowgalla ayaa si aad ah uhadal haya Maqaal lagu Baahiyay The Guardian oo uu qoray Wariya Jamaal oo indhihiisa ku arkay Hab dhaqanka Wariyayaasha Muqdisho.
Jamaal Warbixintiisu waxa uu kusheegay Xaqiiq Jirta oo Aana Wariyayaasha Muqdisho Indhaha kaqabsan Karin Taasi oo ah inay Qaataan kuna shaqeeyaan Sharuurka yar ee Lagu Dabaro Daily Live-ka.
Maqaalka oo Aan Aqristay Marka Si dhab Loo hadlo waxa uu wariyuhu faafiyay Sifaadka Guracan oo Wariyayaasha Muqdisho ay kushaqeeyaan kuwaasi oo aanan Qaadan Lacag kufilan.
Jamaal Cismaan Maalin Maalmaha Kamid ah Aniga iyo Isaga oo Aan isla Joogno ayaa waxaa Shirjaraaid qabtay Masuul katirsan Dowladda.
Shirka Jaraaid Marka uu dhamaaday ayaa Masuulkii Waxaa uu Bixiyay Lacag Boqol Doolar ah oo xiligaasi oo uu dhexdhigay 16 Wariye.
Jamaal Maalintiisa Indhihiisa Waxa uu Saaray Masuulka oo Wariyayaasha ku Oranaya Warka Hala Qurxiyo Angalkaasina kaqaatay Hogaanka Warka.
Maalintaasi Waxyaabaha Dhacay oo Aan Iloobi Karin waxaa kamid ah in Warkii Duhur Idaacaduhu ay isku Mid Noqdeen Wakooda Marka Loo eego Lead-ka Warka oo Waxaa lawada Qaatay Warka uu Inoo Meeriyay Wasiirkii Katirsanaa Dowladda.
Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo Lagu Magacaabo Kulmiye ayaa Maalintaasi Warka Wasiirka Si uusan Kuqancin u Baahisay.
Wariyaha Warka kuqaatay Sharuurka idaacada Kulmiye ayaa Mar Danbe waxaa uu indhaha Saaray Wasiirka Isagoo Usheegay in Eeda Isaga Uusan Lahayn Laakin Maamulka Gaar ahaan Abwaan Guure uu Wariyaha kuyiri Lacagta Aad soo qaadatay Waa Taadii Laakin Wasiirka Tan Maamulka ayaa Laga Doonayaa.
Sharuurka uu Bixiyay Wasiirka oo Aad ugu Yaraa Wariyayaasha Maalintaasi Waxaa kudagaalamay Laba Wariye oo Isku Feeraray,Taasi oo Fadeexad Cad Nagu Ahayd Hadaannu Nahay Wariyayaasha Muqdisho.