Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa sheegay in xilligaani lagama maarmaan ay tahay in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo Magaalada Kismaayo.
Kornel Sanyare oo isna ka mid Mas’uuliyiinta kasoo jeeda goboladaasi ayaa waxa uu kasoo horjeestay Maamul dhawaan looga dhawaaqay gobolada Jubbooyinka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Maamul aan shaqeynin, islamarkaana aan ku imaan Nidaam Dowli ah sida uu hadalka u dhigay.
Doon badeeco u sida ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay kusoo xiratay dekedda magaalada Kismaayo tan iyo markii ay magaaladaasi isaga bexeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Qaar kamid ah ganacsatadii ay u rarneyd doonida oo magacooda u qariyay sababo ammaan ayaa sheegay in laga qaaday lacago xad dhaaf ah oo ku laba jibaaran tii ay horey u bixin jireen.
Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in uu lacagta ka qaaday sarkaal Kenyaan ah oo fadhiya xafiiska canshuuraha ee dekedda, kaasoo ay ku tilmaameen in uu ula dhaqmay si aad u fool xun.
Waxaa laga cabsi qabaa in shacabka Jubooyinka iyo Gedo maciishaddu ku qaaliyowdo, hadduu xaalku sidan kusii socdo.