Igad oo ergo ka ah Kenya oo rabta inay maamul iyada hoos yimaada Kismaayo ka sameyso ayaa kulmao maanta la yeelatay Xasan Maxamud Culusow oo Moqdisho ku sigan!!

Wafdi kasocday Urur goboleedka IGAD ayaa Magaalada Muqdisho Maanta kulan kula qaatay Xasan Maxamud Culusow, Waxayna Wafdigaasi sida la sheegay ay ergo ka ahaayeen Dowladda Kenya oo dooneysa in ay ku guuleysato in Maamul iyada hoos yimaada ay ka sameysato magaalada Kismaayo oo dhawaan Ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen.

Waftigan IGAD ee Muqdisho yimid ayaa waxa horkacayey Xoghayaha Ururka Igad Maxbuub Macallin oo Xasan Maxamud Culusow u gudbiyey Farriin uu Urur Goboleedka Igad ka siday oo lagu soo qoray in Ururkaas iyo Xubnihiisu ay isku raacsan yihiin in Maamul Jubaland lagu sheegay laga sameeyo Gobollada Jubbooyinka, Sidaaa daraadeedna Dowladda Soomaaliya Madaxdeeda laga doonayo in aysan mucaaradin Arrintaas.

Shirka kadib majirin wax War ah oo Warbaahinta ay siiyeen Xubnaha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Igad ee kulmay, Balse waxa la rumeysan yahay in Arrintaasi aanan la’isla oggolaanin.