Dumar Lagu Kufsaday Sh/Hoose Iyo Haweenka Gobolkaas Oo İlaahay Ka Baryey Inuu Ka Qabto Dagaal-Ooge Goobaale Soona Celiyo Shabaabka

Maleeshiyaad taabacsan Ciidamo uu hogaaminayo Dagaal-ooge Goobaale.  ayaa falal arxan darra ah ka geysanaya wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose xilli ay sii korortay cabashada kasoo yeeraysa shacabka,waxaana Shacabka ay is-weydiinayaan sababta nin horey  dembiyo uga galay Shacabka Sh/Hoose oo iyagu xasaasiyad ninkan iyo ciidamadiisa loo xisaaray inay Sh/hoose

Dhacdo uurku taallo leh ayaa shalay dhacday deegaanka Laanta-buuro ee duleedka degmada Afgooye oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka AMISOM iyo maleeshiyo Somaali ah.

“Shalay barqadii goor ay aheyd 10-kii barqanimo ayaan kasoo dhaqaaqnay magaalada muqdisho waxaan la soconay gaari Hoomay ah waxaan safar u aheyn magaalada Marka, markii aan soo gaarnay Laantabuuro waxaa meel dhexe noogasoo baxay ciidan hubeysan oo caleenta khaadka gacmaha ku wata kadibna waxay darawalkii gaariga ku armeen in uu gaariga ku leexiyo meel duur ah kadibna waxay dhan isugu leexsadeen dumarkii gaariga saarnaa oo ay xumaan kula dhaqaaqeen”!! ayuu yiri qof saarnaa gaariga la leexsaday.
Ninkan odayga ah ee noo xog waramay wuxuu intaasi ku daray in rakaabka gaariga si saf mareen ah loo baartay rag iyo dumar balse haweenka dhamaantood lakufsaday laguna xadgudbay.
Dhaqanka maleeshiyada General Goobaale  ayaa sidan ah waxayna shaqo ka dhigteen in ay hablaha muslimaadka ah kufsadaan hantida shacabkana dhacaan, majirto wax katirsan saraakiisha Dawladda  oo wax war ah kasoo saaray dhacdadan foosha xun ee lagula kacay hablaha mana jirto Warbaahin ka hadlaysa dhibka ay geysanayaan Maleeshıyaadka Goobaale.
Dadweynaha Sh/hoose ayaa hadda bilaabay inay Masaajidyada ka inkaaraan Maleeshooyinkan,iyagoo Ilahay ka baryaya inuu u soo celiyo Ururka Alshabaab oo mudadii ay Shabeelada-hoose ay joogaan aan weligeed lagu kufsan dumar,iyagoo dahabkooda ku xarooganayana waxay si xarago leh ku laafyoon-jireen Gobolka Sh/hoose,halka maanta gabdhaha cad-cad ee  Reer Marka ay guryaha hoosta ka soo xirtaan,qaarkoodna isaga haajiray magaaladda.

 Xigasho Shacabkamedia

Runta Kama-Xıshoono

http://shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=99:dumar-lagu-kufsaday-shhoose-iyo-haweenka-gobolkaas-oo-laahay-ka-baryey-in-shabaabka-ay-soo-rogaal-celiyaan&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3