Allah ayaa mahad iska leh, nabad galyo iyo naxriisna Nabi Muxamed (SCW) korkiisa ha ahaato.
Tuducyada qaar ee Gabeygani waxa ay Muujinayaan haddii Maal waxa aad leedahay Gaaladu la wareegto ee aad raali ku noqoto in aanay ka ganceyn ilaa aad Gaalnimo ka qaadato.
Qeyb kale waxa ay qeexeysaa in aan Xoriyad la helayn iyadoon la dhibtoon, oo rag badan God loo dadaamin,
Waxaanu la soconaa in dad badan oo naga mid ah Maanta aanay Xanuun ku hayn Xaaladaha aanu wajahayno sida Gumeystaha Dalkeenna in badan oo ka mid ah qabsaday, waxaadna aragtaan in dhalinyaradii Xoreynta in ay u istaagaan laga rabay qaarkood Banuune iyoisu ekeynta xagga Lebiska ah ee Gaalada Howl Maalmeed ka dhigteen arinkaasoo si weyn Murugo iigu Beeray taasuna waxa ay ka mid tahay qodobada Gabaygu taabanayo.
Maanta waxaanu la soconaa in haweenkii raga Muslimiinta ah u dhaxay ee ubadka u hayay, hooyooyinkood iyo gabdhihii ay Dhaleen Kufaartu fara xumeynayaan raggii Xilku ka saarnaa Difaacoodana qaarkood iska dhowrayanayaan.
Arintaas aad ayay ii Murjisay sidaa aawgeed kama Hilmaanin Maansadaan weliba waxa ay Maansadu daaha ka rogaysaa in Ninka sidaas ku sifoobay uu sugayo oo keliya in Gaalku asiga fara saaro oo ka howl guto maxaa yeelay arintaasu Gaalada agtooda Ceeb kama ahan oo waxaanu la soconaa in xattaa raggoodu is guursado.
Daba dhilif halka u dambeysa iyo in aan loo dhiga nuglaan kuwa Gaalada qorshayaasheeda u ola oleeya hadaladooda waxa ay ka mid yihiin Meelaha gabaygu sida weyn u taabanayo.
Aararta yaanan idinku daalina iga hooyada Maanta Dhin dhintaa ku dhaama
Dhafoorkiyo Nin kaa tooga raba dhuunta iyo saabka,
Dhimashadaada kii raba iyo Duni in aad dhaafto,
In aad dheefka raadidaahi waa dhabiil xumadaaye,
Dheeman iyo wixi aad lahayd Dhogorta xoolaadba,
Dhulka iyo badaada wixii kulli dhex cagaaga,
Hadduu dhurayo Gaal qooqayoo dhoorku sare joogo,
Dhawaq iyo haddii aad dagaal dhaafto labadaasba,
Ee dhooluhu cadeysee tiraa kaama dhami haatan,
Dhigaal loo diyaarshiyo Odkac dheryo laga buuxshay,
Dhiilaha haddii loo Culee dhaayda ugu geyso,
Dharaartii adigoon ka tegin dhaqanka Diintaada,
Dhaleeciyo adigoon u tebin dhaaw laban laabay,
Baylbalka adigoon ku dhegin ee Dhunkane qaadan,
Waa waxaan dheceynin Kufrigu in uu ku dhaafaaye,
iska dhugo waxaan leeyahoo Meel ku dhigo gaara,
Nin dhibsada yeelkii amay u dhedhemi hayne
dhabta iyo xaqiiqada ayaan soo dhudhuminaaye,
Waxaan lagu dhibtoonin ma jiro Axad ku dheefsaaye,
Dhulkaagoo la haystoo Cadaw Dhan waliba joogo,
Dhoohanee sidiisii in aad dhiidi kari weyso,
In aadaan dhididinoo Hubka saarin dhabarkaada,
Dhalandhool in aadan gelin Dheelmad Habeenkiiya,
Waa dhabaha Doqontiyo kuway dhaqan wadaagane,
Dhiigtaarkiyo Xananka iyo adoon dharkeyn jiirin,
Dhirindhir asigoon ku mudun qodax dhumucweynle,
Ee dhagaxu suul iyo ku jarin faraha dhuudhuuban,
Dhadi iyo qaboona iyo Dhaxanta Jiilaalka,
dhab adigoon u arag ee hurdo aan dhedhemi waayin,
Dheylo iyo warkoo daa ‘in aad dhaayda ku casheysee,
Dheryo dhulo adigoon ku duban dhurwaa Hilibkiisa,
Haddii aad dhexweyneyd adoon Xarig sidii dhuuban,
rasaastana isu dhigin iyo dhamac kuleyl weynle,
ee dhiigga kaada sidii Dhibicda Roob hoorin
Oon wiilal dhaban qurxoon iyo dhebi la mood aasin,
Dhaawacaada oon dawo iyo dhayid lala goobin
dhab in aad xoriyad u heshaa waa mid aan dhicine,
Isticmaarka hadaan layska dhicin Dhuunta laga toogan,
Dhimbilaha rasaastiyo haddaan warmo lagu dhoobin,
Halbowlaha hadaan lagu dhufane Dhiigu falaqleynin,
dhuuxa iyo Maskaxdiisa oon Dhulka lagu seyrin,
dhawaqu halkuu tago iyo dhegta gudaheeda,
dhagxaanbaa ka saaran iyo dhoobo iyo ciide,
dhashiikuhuuga saara iyo dhoombirkiyo aake,
ku dhalaalsha Maartoo Xarbigu yaanu dhicisoobin,
iska dhugo waxaan leeyahoo Meel ku dhigo gaara,
Nin dhibsada yeelkii amay u dhedhemi hayne,
dhabta iyo xaqiiqada ayaan soo dhudhuminaaye,
Dhiigga iyo ninkey Maqan yihiin dhiiridiyo Maanku,
Ninkaan dhowrsaneynoo Sharciga daaya dhaqankiisa,
Kufrigu Ninkuu dhaansadee Caynka lagu dhuujay,
Gumeystaha kuwaa dhinac ordee Dhuuni ula jooga
Dhaliilaha markii loo tebiyo way dhibsanayaane,
Xaqiiqada midkii dhinac maray dhab u heshiiyaane,
Dhacadiid jiif iyo midkii Dheregta uun raadin,
Dhaandhaankiyo waxay jecel yihiin kaan dhugmo lahayne,
Dhambaalada kuwuu soo qortiyo beledow dhoodoobay,
Ninki aan dhaweysane Kufriga dhan iskaga riixa,
Ee ku dhega Islaamka ilaa uu ka dhimanaayo,
Dhaleeciyo waxay ula fadhaan dhaamad weligoode,
haw dhega duleelana kuwaas dhumin u soo jeestay.
iska dhugo waxaan leeyahoo Meel ku dhigo gaara,
Nin dhibsada yeelkii amay u dhedhemi hayne,
dhabta iyo xaqiiqada ayaan soo dhudhuminaaye,
Banooniga in aad Dheyesho iyo Turubya dhaadhuuga,
dhafoorada in aad diirta ee dhanka sare deyso,
Dhoocilada la joogoodiyo Dhaansi Tumiddiisa,
dhexda Xirashadeediyo Surwaal Ciribta sii dhaafay,
teyga la isku dhuujjiye ee Dhaqan yuhuudeeda,
dhaaluq dhaaluq Beena iyo Dheyfad Socodkiisa,
Camal in aad ka dhigatoo samaan aadka dhaga beesho,
Dalkaaduna dhacnaadoo Kufaar dhigtay gogoshiisa,
dhaxalkeedu waa cadaab iyo dhamac xanuun weyne,
Taariikhdana waxaad uga dhigmee Dhanki madoobaaye.
iska dhugo waxaan leeyahoo Meel ku dhigo gaara,
Nin dhibsada yeelkii amay u dhedhemi hayne,
dhabta iyo xaqiiqada ayaan soo dhudhuminaaye,
Hablaha middii kuu dhexdee dhashay ubadkaada,
Hooyadaa dhib kaa soo Martiyo Dheeho Gabadhaada,
waa Dhurbeele Gaalkuye hadduu Dharaar fara saaro,
dhaq dhaqaaq bartii iyo haddii dhirif lagaa waayo,
Dhinacba mar eeg iyo hadday dhaayo qaris gaarto,
Dharka dhigo ayaad sugi iyo dubburka ii dhiibe,
qofki aan dhabiiltamin ayuu xaal ka dhabaqyaaye,
Nin dhintaa ku dhaamiyo Midaan Dhalan weligiisba.
iska dhugo waxaan leeyahoo Meel ku dhigo gaara,
Nin dhibsada yeelkii amay u dhedhemi hayne,
dhabta iyo xaqiiqada ayaan soo dhudhuminaaye,
Daba dhilifka dhibkuu qabo ayaan soo bandhigayaaye,
Dhaxalkiis wuxuu yahay ayaan dhab uga faaloone
Dhegehiina ii fura runtaan ku dhibcinayaaye.
Dharbaaxada markii lagu dhuftee dhegta lagu qaado,
In uu dhugaya hoos Moogiye dhirfi kari waaye,
Dhengedaha kuwuu soo guraa lagu dhejaayaaye,
Dhako iyo Sakaarka iyo Duudka dhiniciisa,
Haraatida dhameystiran iyo Jilib lagu dheehay,
Asigoon dhaqaaqeyn wixii dhoolo laga daadsho
Wuxuu Dhiig hunqaacee Matago dhuunigi uu quutay,
Dhibaatada xanuun kale wuxuu dhab ula luudaaba,
waa dhaqanka Gaaloo ma ahan dhaamad fidintiiye
inta lala dhambal tegay haddii lala dhaqmaad yeeshay,
Muqleeyuhu markuu kaa dherguu toos u dhacayaaye,
Jeerki laga dhameystaa ku kale dhaanka wadeyaaye,
Asigana waxaa lagu dhahaa iridda ii dhaafe,
Dhangax iyo in iyo in uu waali qaboo Dhiiga laga Miirtay
Damiirkiis in uu dhimayaayoo liito dhimirkiisu,
dhagartaas kuwuu geystayow ku dhadhabaayaaye.
W/T: Wariye C/llaahi Soomaali
Email: cabdulaahisomali@hotmail.com