Maandooriyaha Qaadka ee Kayimaada Wadanka Kenya oo Muddo Shan Sanno ah Laga Mamnuucay in Lagu Dhex Iibiyo Magaalada Kismaayo ayaa Haatan Si caadi ah Waxaa Loogu kala Gadanaya Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose.
Gawaari ay Kuraranyihiin Jawaano Qaad ah ayaa Soo Galaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose.
Inkastoo In badan oo Kamid ah Shacabka Kismaayo Horay kaga Go’een Raamsiga Qaadka ayaa Haddana Haatan Waxaa Si weyn ugadanaya Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Kuwa Df ee Kabarbar Dagaalamaya Ciidamada Gumaystaha Kenya ee qabsaday Magaalada Kismaayo.
Xaalada Magaalada Ayaa Kadareemaysaa Cabsi iyo Argagax Aanan Lagu dhex Arkin Muddo Shan Sono ah,Waana Marka Qaadka uu Soo dhaco Ama uu Soo Galo Magaalada.
Rasaas ayaa Xiliyada Qaar laga maqlayaa Magaalada Kismaayo Taasi aoo ay Ridayaan Ciidamo Hilow uqabo Maandooriyaha Jaadka Marka Magaalada uu Soo Galay.
Dowladda Kenya iyo Shacabkeedaba Waxa ay Guul u Arkaan in Magaalada Kismaayo Lagu Dhex Iibiyo Geedka Qaadka ee kasoo Go’a Beerahooda.
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa Horay kaga Joojiyo Kismaayo in Lasoo Galiyo Maandooriyaha Qaadka.
Ciidamada Kenya oo Haatan Gacanta Kuhaya Degmooyin Dhaca Jubada Hoose ayaa Si joogto ah waxaa usoo galaya oo Loogu Dhex Iibiyaa Maandooriyaha Qaadka.
Xigasho http://www.harar24.com
Kismaayo