Dhaqaalihii Kenya ay ka heli jirtay Dalxiiska oo hoos u dhacay iyadoo inay dhaqaalo hesho ku qabsatay Kismaayo.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen inay hoos u dhaceen Dalxiisayaasha Ajaaniibta ahaa ee booqan jiray goobaha loo dalxiisi tago ee ku yaalla dalka Kenya cabsi ay ka qabaan inay dhibaatooyin kasoo gaaraan colaada ka jirta Kenya ka dib markii dulaan ku tageen gayiga Somaliyeed.

Saraakiisha ayaa sheegay in %20, sedeedii bilood ee u dambeysay uu hoos u dhacay daqligii Kenya kasoo gali jiray dhinaca Dalxiisayaasha ah, waxaa kale hood u dhacay ganacsigii Somalida oo aad hoos ugu dhacay ka dib makii dagaal gashay.

Kenya ayaa sheegtay in sanaddii hore daqliga kasoo gali jiray Goobaha dalxiisayaasha ah uu gaarayay 98-Milyan oo shillin oo u dhiganta 1.18-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah. Haddana uu marayo halkii ugu hooseysay.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in dhibaatooyinkaani ay kala hadleen dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska,Isreal iyo Biljimka si ay uga caawiyaan la dagaalka ay  ku galeen Somaliyeed.

Kenya ayaa qabsatay magaalo xeebeedka Kismaayo dhacda koofurta Somalia,waxayna u qabsatay dhul balaarsi iyo dhaqaale doon”Wax badso wax beel ayay leedayahay”

Dadka yaqaan dhaqaalaha iyo Malateriga ayaa sheegaya in Kenya sii gali doonto  dhaqaale iyo amni xumo waa dhib gaari doona dadka Kenya, waxayna kismaayo la soo noqon doontaa iyada oo daalan oo dhibaataysan.

Banaadir Post.