Shariif oo Sheekhnimadii iyo Shisheeyihiiba Waayey! Maxay ahayd Shaqadii ugu Dambeysay ee ku Khatimay Qowsaarnimadii? Faallo Gaaban.

Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Caamada Muslimiinta oo Islaamka iska jecel darteed; khiyaanaloow kasta wuu yaqaan in dadka wadaad la iskaga soo dhigo oo saas jaah iyo shilimaad looga helo! Shariifna kama duwaneyn dadkaas! Suufiyaasha baa lagu ceebeyn jiray arrintaas laakiin waxaa ka daray kuwa Salafiyiinta sheegta! Waan aragnnay Suufiyo keenay Tigree Galgaduud laakiin kuwa Salafiyiin sheegta baa isla gaalomadow keenay Xamar, Afgooye, Balcad, Marka, Kismaayo, iyo meelo kale!

Inkastooy jireen dad qabiil ku raacay Shariifka haddana Soomaalida oo dhan wuxuu ka helay qabuul maaddaama loo arkayey inuu ka mid yahay dadka leh qaddiyadda sare (Shareeco-doon), meeshana ka saaray Sharwadayaashii! Laga soo bilaabo Raascasayr ilaa Raaskaambooni baa caleemo loo ruxay Midowgii Maxkamadaha! Shariifka, Janaqoow, iyo C/Qaadir Cali Cumar waxay ku daaqayeen sharaftii Shuhadada sidaan rajeyneynno innagoon cidna Ilaahay uga taskiyeyneyn sida macallin Aadan Xaashi Ceyroow, Abu Cuteybah, iyo walalo kale. Haddaan aragnnay faraqaha u dhaxeeyey cidday run ka ahayd Jihaadku iyo kuwa jilayaasha ah!

Maaddaama aynnaan horay u aqoon Shariifka, waxaan arrinta ka soo qaadnnay: mar i dage Allaha dago; mar labaad i dagase anaa is dagay! Anigu maalintii diyaaradda lagu qaaday oo Nairobi laga dajiyey baan ka xarig furtay! Waa xitaa intaan Shabaabku iska fogeyn! Waxaan shaki lahayn in ciddii soo xushay Shariif sh. Axmed ay umadda luggoysay.

Akhristayaal Allaha Weyn baa yiri:

مَا كَانَ اللَّهُ لِيَذَرَ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى مَا أَنْتُمْ عَلَيْهِ حَتَّى يَمِيزَ الْخَبِيثَ مِنَ الطَّيِّبِ

Markii reer Galbeedku Soomaaliya ku fasaxeen Tigreega, iyaguna kor ka dukheynayeen Mujaahidiinta baa Shariif adkeysan waayey oo inta iloobay Aayadda soo socota; u qaatay in Maraykanka adduunka leeyahay:

وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ

Shariif maalintaas buu is tusay in Maraykan keliya wax ka dhigi karo. Dib ugu noqon meynno kala-hadalkiisii! Qofkii raba ha dhegeyso barnaamijyadii laga sameeyey Shariifka sida “Shariif shalay iyo maanta!” Waa tii 250 “xildhibaan” loogu daray kuwii Doofaarray! Maxaa u soo kordhay?

Been igama ahayn markaan dhow jeer soo qoray in noloshii Shariif ku noolaa intuu Amisom hoos joogay la mid ahayd daanyeer ku jira beerta xayawaanka oo markii qolyaha beerta maamula lacag ka rabaan shacabka inta daanyeerka filim laga duubo ku dhahaan shacabka: daanyeerradani waa dabar go’ayaan haddaan loo helin miisaaniyad lagu sii xannaaneeyo! Sidoo kale marka reer Galbeedku lacag u rabaan Amisom baa adduunka la tusi jiray Shariif oo Amisom waardiyeyneyso iyadoo la leeyahay: Shariif waa qunyar-socod ka soo haray niman xagjir ah; haddaan la gacan qaban isaga si uu u badbaadsho Soomaaliya waxaa meesha ka baxaya qaranimo Soomaaliyeed, sidoo kalana waxaa khatar ku jira ammaanka dunida!

Inteysan Shabaabku ka bixin Xamar wuxuu Shariifku dhowr jeer u khudbeeyey ciidamo maryocalas ah oo ku jira dabakh hoose sida wasaaraddii Gaashaandhigga oo kale! Kaddib markay Shabaabku Xamar ka baxeen wuxuu ka khudbeeyey meelo Amisom ilaalineysay sida dumar ciyaarayey kubbadda koleyga! Waxaan ka wadaa kama bixin inuu godka Madaxtooyada ku jiro ama gaari qafilan saaran yahay ama meel Amisom waardiyeyneyso dhowr daqiiqo la dhaho ka hadal! Yaa rabi lahaa inuu ku jiro noloshaas?.

Gaaladu ma caawisay markuu u baahnaa caawinaadda? Ma jiro waqti qofka siyaasiga ahi uga baahi badan yahay in la caawiyo markay doorasho jirto! Shariifkii horay u khiyaamay Mujaahidiinta markuu yiri: biyaan idiin doonayaa! Ka gadaalna been u sheegay shacabka Soomaaliyeed markuu sheegtay inuu isagu siyaasad ku saaray Tigreegii laakiin isla asbuucyo guduhood isla Tigreegii dib u soo noqdeen! Kaddibna ku soo dhoweeyey shisheeye Xamar, Afgooye, Balcad, iyo meelo kale! Shariifkii saas yeelay maxaa lagu abaalmariyey? Aan akhrinno Aayaddan:

كَمَثَلِ ٱلشَّيْطَانِ إِذْ قَالَ لِلإِنسَانِ ٱكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيۤءٌ مِّنكَ إِنِّيۤ أَخَافُ ٱللَّهَ رَبَّ ٱلْعَالَمِينَ

Hadday ciqaab adduun jirto waxaa arkay Shariif sheekh Axmed! Ninkii intaas gaalo u qabtay! Oo intaas godka iyo qafiska ku jiray baa markuu taageero ka rabay waxay dhaheen iska tag! Shariifku waa diiday inuu tago sidii C/Laahi Yuusuf oo kale laakiin wuxuu ku tago baa la tusay! Wajigiisa baa laga arkayey wixii saarnaa markii la ceyrshay! Waxaa ugu yaab badneyd sidaad sawirka ku aragtaan Mahiga oo ku dabo tukanaya Shariif iyo kaddib Mahiga oo diiday in dagaaloogayaasha lagu daro baarlamaanka! Shariif sheekh Axmed wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in labaatameeyo nin oo gaaloraacyadii kale ka Acuudibileysteen lagu daro baarlamaanka! Waxaa la sheegay in Mahiga iyo gaaladu ka dhammeeyeeen nimankaas dagaaloogayaasha ahi inaysan u codeyn Shariifka markii lagu daro baarlamaanka!

Labada arrimood oo Shariifku ku soo xiray siyaasaddiisii, midi waa middaas kore iyo isagoo xaasaskuu qabay inta dhinacyada iska taago meelo dad badan isku yimaadeen sidoo kalana u doodaya dagaaloogayaal! Waa dayuusnimadii ugu darneyd ee qof Soomaali ah sameeyo! Ma xaasaskiisuu dadkii meesha joogay iyo adduunkoo tusayaa ileyn wuu arkayey in filim laga duubayee?! Maxaa ka raacay? Anigu waxaan tafaa’ul ku iri: sida labadiisa xaas mid u dhacday baa laga fahmayaa inuusan mar dambe calfaneyn soo-dhoweynta gaalada!

Waxaa intaas dheer in Shariifku gaaray xaalad uu horay u soo maray Salmaan Rushdi! Ama dheh sida hadda heysata ninkii caayey Suubbanaha (SCW). Ama haddaad rabtid tusaale u soo qaado Ayaan Xirsi! Ayaan Xirsi waxaa diiday inay hayaan waddan ladan ooy sharcigiisa heystato – Holland! Holland waxay tiri: annagu madaxda waddanka xukunta xitaa intaas oo waardiye kuma ilaalinno! Waxay ka wadaan sidee haweeney qaxooti ah loo siin karaa intaas oo waardiye oo 24-kii saacba waardiye ka heysa? Kaddibna Ayaan waxay u carartay Maraykanka! Xaggee Shariif sheekh Axmed salka dhigin? Kollay waxaa jira waddamo aan xistaabtamin oo kaligood-taliyaal xukumaan sida Yugaandha iyo meelo ka mid ah Khaliijka! Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahan inuusan Shariif nabad ka dambeysay waaguu macallinka ahaa meel u fariisaneyn! Ogaada, dhimashada waa loo siman yahay laakiin intaan qofku riddoobin wuxuu qabaa rajo oo waa ogyahay in la dhimanayo dabadeedna waxay iska dhaqmaan sidoodii caadiga ahayd laakiin dadka Shariifka oo kale ah xitaa hadday ku jiran meelaha loo arko in ammaan yihiin waxay dareemayaan cabsi iyo naxdin. Waxaa la sheegaa in mar horaba ay caafimaad-xumo xagga maskaxda ah la soo daristay Shariifka.

La-yaab ma leh in la arko Shariifka oo unuunufaya Madaxtooyada oo iska dhigaya xildhibaan sida dagaaloogayaasha qaarkood sida Qanayare, Xaaraan-ku-naax, Xaabsade, iyo kuwa kale! Hadduu Madaxtooyada sii joogo waxaa halkaas ka caddaaneysa inaan Xasan sheekh Maxamuud gacanta wax ugu jirin oo Shariifku marti u yahay janannadii uu laaluushi jiray! Waa suurtogal inuu dhaho wuxuu isu diyaarinayaa doorashada danbe!

Dadka badankiisa waxaa loo arkayey in C/Laahi Yuusuf ahaa ninkii ugu darnnaa dagaaloogayaasha oo shisheeye ku soo hogaamiyey Soomaaliya! Run ahaantii waxaa C/Laahi ka daray Shariif sheekh Axmed! C/Laahi marna diin kuma soo qaaraaban halka Sharifku isagoo gaalo wata tujinayey dadka! Ma filayo in qof aan Shariif ku raacayn qabiil igu diidayo arrintaas! Markii C/Laahi loo qabtay Xamar; wuu ceyrshay in badan oo ka mid ahaa dagaaloogayaasha marka laga reebo Xuseen Caydiid, Aadan-madoobe, iyo dhowr kale halka Shariif sheekh Axmed saacaddii ugu dambeysay u ol’oleynayey in baarlamaanka lagu daro kulli dagaaloogayaasha! Waxaa kaloo jira inuusan C/Laahi soo taagi jiray xaaskiisa meelaha uu taageerada  kaga raadinayo dadka, shirarka, iyo warka la siinayo saxaafadda! Teeda kale lama arag C/Laahi oo saf kula tukanaya gaalada!

Sida lagu arkay Sunadda Ilaahay, ciddii gaarta heerka Shariifka oo kale waxaa la arkaa iyagoo aakhiro iyo adduunba seega! Qofkii arritnaas fahmi waaya ha fiirsho meeshay ku dambeeyeen Qadaafi, M. Xusni Mubaarak iyo kuwa kale! Waxaan Shariifka ka dhicin wadaaddada Salafka sheegta ee Maraykan, Yurub, Bariga Afrika, iyo Soomaaliya jooga! Qaarkood baa Maraykan iyo Yurub ka tujinaya iyagoo lahaa: baarlamaanka Shariifku wuxuu ahaa kii ugu fiicnaa ee abid soo mara adduunka! Intooda badanna waxay kala raaceen dagaaloogayaha ku qabiilka ah! Qosol wuxuu ka joogaa sidii wadaaddada Xamar jooga u eedeyn lahaayeen Axmed-madoobe iyo hadday dhacdo waxay ku jawaabayaan kuwa Nairobi jooga?! Qolayaha lagu sheego (دم جديد) laakiin aan anigu ugu yeero (ذم جديد) ma ku cibro qaadan doonaan Shariif sheekh Axmed? Mise Soomaalidu waxba kama barato dhacdooyinka?

C/Waaxid C/Laahi Khaliif