Nin Mu’adin ah oo aano qabiil loogu dilay Kismaayo iyo maamul beeleedkii Kenya soo sameeysay oo Beelaha ugu badan Kismaayo diideen!!

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ninkaan qaab qabiil loo dilay welow ay suura gal tahay in Sunada ka muuqata iyo wadaadnimadiisa darteed loo qaarijiyay.

Hadal haynt ugu badna ee Kismaayo ayaa saaka ah dilka wadaadkaan, waxaana si gaar ah u sii Murugeysan Jamaacadi uu Mu’adinka u ahaa.
Amaanka Kismaayo fara ayuu ka baxay dhowr iyo tobankii maalmood ee u dambeeyay oo ciidamada Isbayasatada ahi Gacanta ku hayeen, waxaana jiray hardan dhiancyada u dhexeeya oo la xariira cidda Magaalada maamuleysa.

Ma jirto cid wax ka qabatay dilka Xalay la geystay waxaana suura gala in dhinacyada Kismaayo jooga midkood howshaan ku lug leeyahay welow ay noqon karaan dablay beeleed ka Madax banaan.

Kenay ayaa dhawaan Maamul ku Meelgaar ah u sameysay Kismaayo kaasoo hoos taga Axmed Madoobe oo waagiisi hore ka tirsanaan jiray Maxaakiimtii ha yeeshee mar dhexe u goostay dhanka Kenya.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in Maamulkii dhawaan loo sameeyay magaalada kismaayo uu khilaaf xoogan ka dhex taaganyahay, Khilaafka ayaa imaaday xili maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi ay kulan ku qaateen Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka cusub oo ay wehlinaayan Saraakiil katirsan Kenya.

Maamulka kmg ah ee lo magacaabay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo horjeestay Odayaal iyo waxgarad iyagu kasoo jeeda Beelaha wax ka daga Magaaladaasi  kuwaasoo sheegay in lagu xad gudbay saadki ay ku lahayeen maamulka Cusub ee Magaalada Kismaayo

Waxaa dood adag ay ka dhex taagantahay Xubnaha Maamulka kmg ah ee Jubboyinka  kuwas oo ku kala qaybsan in beelaha qaar xubno logu soo daro maamulka  si  Maamulka uu u noqdo mid lo dhan yahay.