Boqolaal Maleeshiyaad Soomaali ah ayaa dhamaadkii sanadkii 2011,waxa lagu soo xaaqey Furimaha Wilaayaatka Islaamiga ah ee Jubbooyinka.
Hadafka Ciidamadaasi laga lahaa ayaa waxa uu ahaa in ay bur-buriyaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka eeka jirtey Jubbooyinka.
Asalka Maleeshiyaadka duulaanka kusoo qaadey Jubbooyinka waa ciyaaalkii qaxootiga ku ahaa Xeryaha Kenya ay ka ooday deegaanada Soomaalida xooga ay kaga heysato.
Tababar muddo socday kadib oo ay soo qaateen,waxay ka soo tallaabeen Xuduud beenaadka iyagona bilaabay howshii loo soo igmadey,waana dagaal ay la galaan Shareecada Islaamka.
Keenya ayaa howsha duulaanka kala agaasimeysay,waxaana bilowgii duulaankeeda Soomaaliya ay u habar wacatey Gaalada Adduunka,waana tii keentay in Ra’siulwasaaraha Dowladda Keenya uu booqasho deg-deg ah ku tago magaalada Tallaabiib oo kamid ah dhulka Yahuuddu xooga nooga heysato,caasimadna u ah Yahuudda.
Yahuudda ayaa si laab furan waxay ballan ku qaadey in taageero ay siineyso Keenyaatiga duulaanka ku qaadey Soomaaliya.
Dagaalka Keenya ay kusoo qaadey Soomaliya waxa uu u muuqanayey mid Caalami ah,dowlado aad u farabadan oo Yurub ah ayaa iyana duulaanka Jubbooyinka qeyb ka ahaa.
Qaar kamid ah dowladahaasi hadaf dhaqaale ayey lahaayeen,waxaana la dhihi karaa waa kuwa ugu badan.
Dhanka kale waxaa duullaanka Keenya ee Soomaaliya ka Hadley Tandiimka Al-qaacida,waxaana muuqaal ahaan arinkaasi uu ku tusayaa in Shacabka iyo Mujaahidiintu helayaan talooyin heer sare ah.
Inkastoo uu jirey hadaf sare oo ahaa duminta Nuurka Islaamka hadana waxaan meesha ka marneyn ujeedooyin dhaqaale iyo dhul ballaarsi ay waday Keenya.
Faransiiska oo duulaanka Keenya ay kusoo qaadey Soomaaliya gacan ballaaran ku siineysay, ayaa lahayd Ujeeddo ah in Shidaalka laga qodayo xeebaha Jubbooyinka ay qeyb ka hesho.
Soo gaaritaanka Keenyaatiga ee Kismaayo waxay ku qaadatey 350 maalmood,khasaaraha soo gaareyna waa ku dhowaad 500 oo askari oo dhimasho ah,waxaase kasii badan dhaawaca soo gaarey iyo Ammaanka wadankooda oo noqdey mid faraha ka baxay.
Maleeshiyaadkii Soomaalida ayaa noqdey difaaca koowaad ee Keenyaatiga,micnaha waxay noqdeen cidda ay ku dhaceyso rasaasta Mujaahidiinta.
Khasaarihii ugu badnaa ayaa soo gaarey Maleeshiyaadka Soomaalida,waxayna noqdeen kuwa lagu beegsado meel waliba oo ay Cagta dhigaan.
Dhabbagalada loo dhigeyo Maleeshiyaadka iyo Keenyaatiga ayaa ku batey howdka iyo wadooyinka Jubbooyinka,waxayna noqdeen Maleeshiyaadku kuwa lagu tijaabiyo wadooyinka looga baqayo in Miinooyin ay ku aasanyihiin.
Hadafka kama danbeysta ee Keenyaatiga u muuqdey ayaa ahaa qabsashada Kismaayo,si qar iska xoornima ah ayeyna markii danbe ku yimaadeen Kismaayo.
Keenyaatiga dagaal toos ah kulama wareegin Kismaayo,isku dayadoodiina waa ay fashilmeen kadib markii ay Maya yiraahdeen Libaaxyada Jubbooyinka.
Qorshe dhagar ah oo u muuqdey mid lagu soo dejiyey dibadda ayaa lagula wareegay Kismaayo,waxayna ahayd markii goor subax ah xeebaha Kismaayo lagu arkey Ciidamo Keenyaan ah iyo Maraakiib dagaal.
Inkastoo Qadar ay qorneyd hadana Kismaayo Mujaahidiintu waa ay ku dhabar adeegeen.
Waxaa ku tusaya Shirkii Jaraaid ee uu qabtey Afahayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage,kaasi oo ahaa in la wareegitaanka Kismaayo ay ka horeyso Keenyaati badan oo dhulka ka hoos mara iyo Mujaahidiin shahaada qaata.
Sida uu sheegay Shiikh Cali Dheere ayey arintu u dhacday,waxaana naf waayey Keenyaati Saliibiyiin ah iyo Maleeshiyaad Soomaali ah.
Bilowgii bishan ayey Keenya gudaha usoo gashey Kismaayo,waxana Calanka Keenya uu ka babanayey magaalada Kismaayo-ogow Kismaayo waa Caasimadda Saddexaad ee Soomaaliya-waxadna ogaataan in ay Keenya arinkaasi u noqoneyso Taariikh ay diiwan gashato,lagana darso goobaha Waxbarashada ee wadanka Keenya.
Muddo maalmo ah ayey Keenyaatigu soo gali waayeen Kismaayo cabsi ay ka qabaan iney la kulmaan weerarro qorsheysan oo iyaga ka dhan ah.
Kismaayo iyo waageedii Shareecada Islaamka.
Kudhowaad Shan sanno ayey Mujaahidiintu maamulayeen magaalada Kismaayo,waxaana dib usoo laabtey noloshii dadka.
Horumarka laga helay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ayaa noqdey mid cammimey Nolosha dadka Reer Kismaayo,waana midda ay ku taamayaan Mujaahidiinta maadaama hadafka uusan ahayn in meel la maamulo oo kaliya.
Hadafku waa in dadku ay dareemaan Shareecada Islaamka iyo waxa ay ka aaminsantahay Nolosha,waana la gaarey sida muuqata oo dadku waxay arkeen meelaha lagu maamulo Shareecada hormarka kajira.
Reer Kismaayo waxay u hogaansameen Shareecada Islaamka,waxaana dadku ay u xukun tagi jireen Maxkamadaha Islaamiga ah.
Hadda iyo Kismaayo!!.
Markii Keenyaatigu soo galeen magaalada Kismaayo arinka ugu horeeyey ee ay ku dhaqaaqeen waxa uu ahaa baabi’inta raadadka Shareecada Islaamka.
Dhowr Masaajid ayaa loo diidey in dadku Salaadaha ku tukadaan,Hablihii Muslimaadkana Niqaabka qasab ayaa looga qaadey,Raayadii Towxiidka ayey Keenyaatigu ka tireen meelaha ay ku buufsaneyd,bedelkeedana waa kooda ayey ka taageen Kismaayo.
Dowladda Cusub ee ay Shisheeyuhu dhiseen ayaa waxay dadaal ugu jirtey in maamul iyada hoosyimaada ay u sameyso Kismaayo,hase yeeshee waa looga hormarey.
Dowladda Keenya ayaa u muuqaneysa mid gumeysi u socota,waxayna ku amreen reer Kismaayo iney ku hadlaan luuqadda Sawaaxiliga lana mid yihiin Soomaalida ku nool Mombasa,maamulka Kismaayana wadnkeeda lagu soo dhiseyo.
Hadda oo la joogana Kismaayo waxay Keenyaatigu usoo magacaabeen Maamul looga arimiyo magaalada Nairobi.
Imika waxaa far qaniin jooga Maleeshiyaadkii Soomaalida iyo Saraakiishooda maadaama aysan laheyn awoodda maamul ee Kismaayo,waxaana ku dhaboowey maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd”Illeen Doqoni Calaf Maleh”.
W/Q Jibriil Aadan.