Xaafadaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Huriwaa, Suuqa xoolaha, Yaaqshiid, Deyniile,Hodan,Gubta Dharkenley iyo degmooyin kale waxayna dadka qaarkiis ay bilaabeen inay dib ugu laabtaan deegaanada duleedka Magaalada Muqdisho.
Waxaa la soo sheegayaa in 24 saac ugu dambeysay 4 Haween ah lagu kufsaday xaafadaha Suuqa xoolaha, Deyniile iyo Fagax Degmada Yaaqshiid, dhacdooyinkaasi oo noqday kuwo joogto ah oo haba yaraatee waxba aysan ka qaban Hogaamiyayaasha DF.
“Waxay kufsadeen Haweeney Xaamilo ahayd iyo gabar 13-jir ah cid noo gurmatay ama wax ka qabtay dhibaatadaas ma jirto xaalad Cabsi, walaac iyo argagax leh na soo food saartay” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Suuqa xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.