Maamulka degmada Huriwaa ee DF ayaa sheegay inay la wareegeen Mid ka mid ah masaajidada lagu cibaadeysto oo ku yaala Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Jacfaan oo maalintii shalay ka badbaaday weerar lagu dili lahaa ayaa sheegay in maamulkiisa la wareegay Masaajid ku yaala xaafad ka mid ah degmada Huriwaa kaasoo dadka ay u soo aada inay Salaada ku tukadaan kuna Cibadeystaan maadaama uu yahay goob loo dhisay in lagu cibaadeysto korna loogu qaado Diinta ALLE.

DF ayaasheegtay in lala wareegi doono guryaha dadka shacabka ah ay dagan yihiin haddii laga helo hub waxayna sheegeen laga bilaabo maanta uu yahay Masaajidkaasi mid ay la wareegtay maamulka Huriwaa.

Maleeshiyaadka DF ee howlgalada Raafka ka dhanka ah dadka rayidka ah ka wada magaalada Muqdisho ayaa guryaha qaar dhex dhiga Hubka ay wataan iyagoona ku eedeeya dadka guryahaasi iska leh in laga dhex helay hub iyo waxyaabo qarxa si ay lacago uga qaataan ama si gardaro ah ugala wareegaan Guryaha dadka Masaakiinta ah taasoo ah qorshe cusub oo lagu banaysanayo in lagu dhaco hantida maguurtada dadka rayidka ah.