FADEEXAD!!.Xassan Maxamuud Culusow oo ka beensheegey waxbarashadiisii Soomaaliya.

Akhristayaal Aduunyadu waa mid leh Diiwaan wax lagu keydsho iyo Tixraac la raadsho. Waxaan Maqaalkan ku eegayaa arin aan muddo 4,Isbuuc ah baadi goob uugu jirey iyo xaqiiqa raaidinteedii ayaan doonayaa inaan ku daah furo maqaalkan.
Waa kuma Madaxweynaha Soomaaliya,?.
Magaciisu waa Xassan Maxamuud Culusow, mana jiro magac Sheekh ku lamaanan sida ey ii sheegeen Qoyskiisa Soke iyo Dadkii yaqiiney,. Mudane Hassan Maxamuud Culusow, ayaa isagu diiwaankiisa Taariikheed ka buuxshey arimo u baahan in si gaar ah loo baaro loona xaqiijiyo. Ugu horeyn waxa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegey inuu ka qalanjabiyay Jaamacadii Ingneeria 1981.Haddaba Baaris dheer iyo Wareysi kala duwan aan la sameeyay Ardeydii iyo Hormuudadii Jaamacada Ingneeriya, sida Prof Guuleed Baasi, Prof Abaadir Muumin Falax, Prof Xuunshe, iyo Ardeydii Xiligaas dhigan jirtey sida, Eng Hassan Yuusuf Xananeyn, Eng Cilmi Bulaale Ashkir, Eng, Khaalid Sanyare, Eng, Muuse Baynax, waxey ii cadeeyeen in Xassan Maxamuud Culusow uusan dhigan Jaamacada Ingneeriya, Hadaba Hassan Maxamuud Culusow, ahna Madaxweynaha Soomaaliya muxuu uuga been sheegey Taariikhdiisa Waxbarasho ee Soomaaliya waa Suaal Madaxweynaha laga sugayo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa is weydin mudan Muxuu Madaxweyne Hassan Maxamuud Culusow ka bartey Soomaaliya.?

Hassan Maxamuud Culusow, waxa uu ka baxey Dugsigii Farsamada ee loo yaqiiney (Polytechinic) Sanadkii 1984 ayuu ka baxay Iskuulkaas, isagoo ku takhasusey, Faryamaada Iyo Dabgalinta, sida ey ii sheegeen Ardeydii uu la qalanjabiyay sanadkaas, sida Yuusuf Macalin Isaaq, Bashiir Guuleed, Daadir Cismaan Maye, Abuukar Ceelow, Cumaraani Muriidi, Abshir Cismaan Dhiblaawe, Baasi Abiikar.

Ragan ayaa hada ku nool dalalka Ingriiska, Holland, Germany iyo U.S.A. waxeyna ii xaqjiiyeen inuu ahaa Ninkan Hassan Maxamuud Culusow, Nin laga wada yaqiiney Iskuulka Farsamada.

Ragan aan xusey ayaa baaq isku mid ah u jeediyay dhamaan Macalimiintii Iskuulka, Sida Eng Haashim Baafadal, Eng Mural Bashiir, Maclin Abiikar Axmednoor, Iyo Ardeydii iney runta ka sheegaan Taariikhda uu Hassan Maxamuud Culusow ka been sheegay.

Isku soo wada duuboo Ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney arintan meel saaraan waxana looga fadhiyaa iney su’aalahan weydiiyaan Madaxweynaha Soomaaliya ee ka beensheegay Taariikhdiisa dhabta ah.

Dalalka Reer Europe iyo Caalamka waxaa ka mamnuuc ah in Hogaamiyaha uu been ka sheego Taariikhdiisa dhabta ah, waxana jira ha’ayado qaabilsan dabagalka Masuul walba ee doonaya inuu Hogaansho dalka, waxaana jira Sharci qabanaya dhamaan Hogaamiyaaysha hadii ey ka been sheegaan Taariikhdooda taasoo, shaqada laga erayayo, Isla markaana ceeb iyo Raali galin laga dhowaro Hogaamiyaha ka been sheega Taariikhdiisa. Hadaba Madaxweyne Hassan Maxamuud Culusow waa inuu si deg deg ah uuga jawaaba Eedayamahan ku saabsan ka been sheegida Waxbarashadiisa Soomaaliya.

Qoraa Sare Xirsi Faarax.