Kala iibsiga dadka oo Muqdisho meel sare ka gaaray.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay howlgallo ballaaran oo Maleeshiyaadka DF ay ku raafayeen dadweynaha ku nool Xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Marka dadkaasi la qab qabto waxaa lagu daad gureeyaa gawaarida shabaqlayaasha loo yaqaano, waxaana ugu dambeyntii loo dhaa dhiciyaa Xabsiyada ay maamusho DF, gaar ahaan kan ku yaalla godka Madaxtooyada.

Nin qaraabo la ah wiil dhallinyaro ah oo laba todobaad ka hor Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley ay ka qafaasheen Maleeshiyaadka DF ayaa waxaa uu ka warramaya sida lagu sii daayay wiilka ay qaraabada yihiin.

“ Markaan tagnay Xabsiga waxaa isla markiiba si hoose noogu yimid Askar ka tirsanaa ilaalada Xabsiga, wuxuuna inoo sheegay in wiilka uusan wax dembi laheyn, balse laga doonayo inay bixiyaan lacago lagu sheegay howl kala fududeys, si wiilka loo sii daayo, waana lacag dhan  oo doollar” ayuu yiri ninkaas oo magaciisa ka gaabsaday.

Ehellada wiilka ayaa iyagoo dacwo ah waxay u tageen mid ka mid ah Saraakiisha sar sare ee maamula Xabsiyada DF oo wiilka xiran ay qaraabo soke yihiin, intii ay ka filayeen in ugu yaraan uu gor gortan ka galo lacagta badan ee wiilka madaxiisa la dul saaray ayaa waxaa uu u sheegay in sidaasba loogu naxriistay, dad kalena laga qaado lacag laba jibbaar ama seddex jibbaar ka badan inta wiilka la weydiistay.

Si kasta oo ay ahaataba Sheekada kala iibsiga dhallinyarada lagu xiro Xabsiyada magaalada Muqdisho ayaa ah arrinta ugu badan ee ay hadal hayaan dadweynaha ku nool magaalada, waxaana taasi ay dhalisay in dhallinyaradu aysan guryaha ka bixin, si aan Xabsiyada loogu dhaa dhicin, kadibna madaxooda lacag la dul saaran.

XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.