Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni oo lagu tuhmayo inuusan la dhacsaneyn siyaasadaha Xasan Sheekh ayaa waxaa dhacday markii uu qaabilayey in Calanka Soomaaliya aan gadaashiisa la surin,sida uu sharciga Madaxweynayaasha Aduunka u yaal qorayo,halka markii uu qaabilayey Wasiirka Arimaha Dibada ee Mareykanka Hillary Clinton uu gadaasheeda suray Calanka Mareykanka.
Musaveni ayaa la xasuustaa maalintii doraad aheyd,inuu Madaxweyne ku-xigeenka Ugandha Edward Senedko u qondeeyay inuu Salaan-sharafeedka siiyoXassan Sheekh halkii la filayay inuu salaan sharafeedka isaga bixiyo,waxaana shakiga sii weynaaday kolkii la arkay qaabkii uu u qaabilay Xassan Sheekh oo iyadu lagu tilaamay qaab aad u hoseeyso.
