Colaad hor leh oo laga dhex hurinayo Beelaha somaliyeed si loo qariyo gumaysiga ku soo duulay gayiga Somaliyeed.

Colaadan ayaa ah mid laga soo shaqeeyay waana mid loo maray habka loo yaqaan maamul goboleedyada waana fidno hor leh oo Somali loo soo maleegay.
Waxaa bilooyin ka hor kashif iyo fashilaad ku yimaadeen kuwii Qabuura dul fadhin jiray “AHLUSUNNA WAA JUFO” oo hada hubkooda iibsaday markii ugu danbeysey.

Mudug iyo Galgaduud ayaa ah dhul hodan ah oo ilaah gaar u siiyay Deeq iyo duunyaba waana sababta hada keenaysa in beelo faraha isla galaan si looga faaiido.

Beelaha ku nool Mudug iyo galagaduud ayaa ah dad walaalo ah oo isku  beel ah laakin waxaa mudo laga dhex waday colaad aan qiimo lahayn,waxaana colaadaas waday kuwa loo yaqaan beesha calaamka oo inta badan ay wakiil ka ahayd xabishida Itoobiya  iyo calooshoood u shaqeysyaal ah oo degaanka ka soo jeeeda.

Waxaa kashifmay qorsheyaal badan oo hore loo soo maleegay waana ku guuldaraysteen,waxaana maanta keenay in colaad lama filaan ah oo aan qiimo  ku fadhin laga dhex huriyo dad u badan xoolodhaqato.
Banaadir Post.