Maleeshiyaadka Dowladda Fedraalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay sii laba jibbaareen howlgallada ay ku raafayaan dhallinyarada ku dhaqan Xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Huriwaa ayaa waxaa ka socda qafaalkii ugu xooganaa, iyadoona Maleeshiyaadka Dowladda Fedraalka ay Xabsiga dhigayaan qofkasta oo dhallinyaro ah oo ay indhaha saaraan.
Wiil dhallinyaro ah oo ku sugan Xaafadda Buur Ubax ee degmada Howl wadaag oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maleeshiyaadka DF markii hore bartilmaameed ka dhigan jireen dhallinyarada ay Sunnadu ka muuqato, balse howlgallada ay sameynayeen maalmihii ugu dambeeyay ay ku beegsanayeen dhallinyarada Sunnadu ka muuqato iyo kuwa aan Sunnadu ka muuqan.
Howlgalladan raafka ah ayaa Maleeshiyaadka DF waxaa kasoo gala dhaqaale aad u fara badan, iyadoona lacag adag laga helo madaxa qofkasta oo Xabsiga la dhigo, kaasi oo marka lasii deynayo laga qaado lacag baad ah si loo sii daayo.
Saraakiisha DF waxay mar walba Warbaahinta ka sheegaan in howllgadan lagu xaqiijinayo waxay ugu yeereen ammaanka magaalada Muqdisho, inkastoo illaa iyo hadda aysan muuqan wax natiijo ah oo howlgalladaasi laga gaaray.