Qabaa’ilka dagaanka iyo maleeshiyaadka Soomaalida oo wali isku maan dhaafsan masiirka magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadane ismaan dhaafkaas ku soo biiray dawladaha Uganda iyo Kenya.
Labada dawladood oo qeyb ka wada ah howlgalka Afrikaanta ay ugu yeeraan “Nabad Ilaalinta Soomaaliya” ayaa isku qabtay hanaankii magaalada loo qabsaday iyo damaca Kenya ee maamulka magaalada, iyadoona Uganda ay sheeganeyso hogaaminta howlgalka “AMISOM” halka Kenyaatigu ay sheeganayaan iyagu in ay qabsadeen magaalada Kismaayo.
Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dawladda Uganda ay ku gacan seyrtay kulan ay Nairobi ugu yeereen masuuliyiin Kenyaati ah ka dib markii Taliska Afrikaanta ee Muqdisho uu dhaliilay maraakiibta dagaalka Kenya ee aan ka mid aheyn howlgalka Afrikaanta, kuwaas oo qeybta ugu weyn ka qaatay qabsashada Kismaayo.
Sidoo kale Taliska Afrikaanta ee Muqdisho ayaa diiday in ay Kenya ku lug lahaato maamulka magaalada Kismaayo, balse ay ku ekaadaan ciidamo magaaladaas qabtay kuna wareejinaya maamulka DF ee Xasan Sheekh Max’uud.
Hayeeshee dawladda Kenya aya ganafka ku dhufatay hadalladaas iyadoona ku andacootay maraakiibteeda dagaalka in ay qeyb ka yihiin qalabka dagaalka ee ciidankeeda ayna daruuri u aragtay sida diyaaradaheeda oo kale in ay ka qeyb galaan duulaankii Kismaayo.
Dawladda Kenya oo ah dawladaha ciidan ahaa ugu taagta daran Afrika ayaa muddo hal sano ah waxey dhanka dhulka ka soo gaari waayeen magaalada Kismaayo iyagoo xittaa adeegsanaya diyaaradahooda dagaalka, taas oo ku qasabtay in ay maraakiibtooda ku soo dagaal galaan waqti loo jeediyay digniino ah in ay joojiso Kenya adeegsiga maraakibta, balse waxaa kaga darnaa fadeexaddii heysatay.
Markii ay qabsadeen Kismaayo ayay ku faaneen in ay yihiin ciidankii ugu horeeyay Afrika ee qaaday weerar Cir, dhul iyo bad ah oo guul ay ka soo hooyeen, arrinkaas oo ay ka biya diideen dawladaha kale ee Afrika oo Uganda ugu horeyso.
Khilaafka labada dawladood ayaan la ogeyn halka uu ku biya shuban doono, balse wuxuu ku biiraa khilaafaadka kale ee ka taagan isla magaalada kuwaas oo u dhexeeya qabaa’lka dagaanka oo si eeganaya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee ku kala abtirsada Axmed Madoobe, Gaandi iyo Saxardiid.