Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.
Horta intaanan u gelin arrinta kufaarta madoow aan is xasuusinno in qofkii Muslim ah dhibsanayo in la dajiyo Calankii Tawxiidka, sidoo kalana la kala dhantaalo Shareecadii Islaamka ee ka jirtay Kismaayo. Sidoo kale shaki ma leh in Mujaahidiinta iyo Muslimiinta kalaba faa’iido adduun ku qabeen Kismaayo. Ma keeneysaa in mabda’ii loo jihaadayey meesha ka baxo haddii la waayey dekeddii Kismaayo? Bal aan akhrinno:
وَفِي السَّمَاءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
Horta qabashada Kismaayo ee gaalada iyo gaaloraacyada waxay inteeda badan dhibi doontaa shacabka magaalada degennaa, ninka sheegta madaxweynaha iyo odayaashii dhaqanka Muqdisho! Odayaashaas aan sheegayo iyo koox wadaaddo ah baa u qaatay in Mujaahidiinta hadda jooga la caqli yihiin Midowgii Maxkamadaha! Waxay odayaasha iyo in badan oo qabiil ku raacday is tuseen in hadday gaalada cad iyo tan madoow iyaga maqasho wax kasta uga hir galayaan Soomaaliya! Xaqiiqdii, gaalada cad qaarkeed, Museveni, iyo Tigreeguba waa u guuxeen ra’yigaas markii hore. Waa tii la yiri: Tirgeega hala saaro si Shariif iyo odayaashu u kala furfuraan Mujaahidiinta iyadoo gaalomadow kale la soo badiyey? Khiyaamada Shariif iyo Odayaashu waxay ahayd inay gaaladu ku dhaheen waxay Soomaalidu neceb tahay keliya Itoobiya ee aysan kala jecleyn kuwa ka yimid Ugaandha iyo Burundi! Maxaa dhacay? Mujaahidiintu waddankii bey sii qabsadeen! Markii arrintu noqon weyday sidii Xaad, Shariif, iyo Diiriye wadeen baa Tigreegii dib u soo noqday, gaalo badanna waddanka la keenay. Ma filayo inay jirto cid uga badan Jihaadka, Mujaahidiinta, ka soo jeeda qabiilka odayaashaas laakiin waxaan ka hadlayaa kuwa ku fikirka ah odayaasha.
Si kastaba ha ahaatee, Beesha Gaaladu waa fahmeen inaysan Shabaab kula dagaali karayn qabiil gooni ah dabadeedna waxay u soo jeesteen in Shariif sheekh Axmed meesha laga saaro. Hal sano waxaa laga furfuri waayey Museveni oo yiri: ciidamada iga jooga Soomaaliya khatar bay ku jiraan haddii Shariif sh. Axmed la ceyriyo. Ugu danbeyntii gaaladu waxay ku qanciyeen in la keeno qof kale oo ku qabiil ah Shariif.
Qabashadii Kismaayo ka hor, kooxaha Soomaaliya jooga waxaa ugu magac dheeraa dhowr kooxood oo qaarkood iska shiiqay sida Suufiyadii Galgaduud! Afarta kale waa Shabaab, kooxdii Shariif ee lagu waardiyeyn jiray Madaxtooyada, Puntland, iyo Somaliland. Shariifka, ninka beddelay, iyo odayaasha dhaqanku xisaabta kuma darsan inay soo wadaan koox kale oo Axmed-madoobe madax ka yahay! Haddii la rabo inta been la isu sheego hala dhaho ciidanka dowladda! Si aysan fileyn baa odayaashii Hawiye u sameeyeen maamulka Axmed-madoobe! Haddaan Amisom tageen Afgooye, Balcad, Marka, iyo meelo kale; Kenya kuma dhiirrateen inay ka soo degaan badda Soomaaliya! Marka si aysan fileyn baa odayaashaasi u caawiyeen Daaroodka!
Haddii Museveni keenay Kampla Accord; maxaa diidaya inay Kenya keento “Kikuyu Accord?
Haddii Yugaandha oo intaas le’eg oo intaas noo jirta saas u saameysay siyaasadda Soomaaliya ilaa ay keentay xeer dooriyey kii Doofaarray iyo kii Jabuuti; maxaa Kenya oo dhinac kasta kaga leh Yugaandha keeni kartaa? Dadka Soomaaliyeed waxaad mooddaa inaysan aqoon waddanka Kenya xitaa iyagoon intaas ka lug bixin! Horta ciidanka Kenya dagaal ma yaqaannaan laakiin waxay heystaan qalab casri ah marka loo eego Bariga Afrika. Xagga dhaqaalaha iyagaa ugu horreeya Bariga Afrika. Ma jiro dagaal ku furan iyo waddamo ay ciidamo u direen.
Waxaan odayaasha dhaqanka Xamar fahmin waxaa weeye in Kenya ka duwan tahay Tigreega iyo Yugaandhaba marka la eego arrimo dhowr ah. Kenya waa waddan Soomaalidu iska jeclaatay. Soomaaliga gudaha ama dibadda jooga Kenyaa la iska aadaa. Xitaa lama tirin karo ganacsatada ka soo jeedda Xamar ee hatidooda geystay Kenya. Waxaa jooga boqollaal kun oo qaxooti ah. Kumannaan ka mid ah kuwaas waxay qaateen sharciga Kenya. Xitaa culumada Soomaaliya ugu caansan qaarkood baa heysta sharci Kenya ah. Inkastoo Kenya gumeysato Soomaalida haddana siday Soomaalida ula xaalaan waa ka duwan tahay sida Itoobiya ula xaasho! Kenya waxay Soomaalida u aragtaa shinni malab dhigta marka la eego xagga ganacsiga. Sidaas darteed baa Kenya heshaa balaayiin shilin oo ka timaadda Soomaalida. Qaar baad bay uga qaataan, qaarna laaluush, qaarna guryo iyo dhul looga kireeyo ama looga iibiyo qaali, canshuur, iyo kummannaan qof oo Kenya u dhashay oo u shaqeeya Soomaalida.
Beddelka arrintaas waxay Kenya Soomaalida siisay inaysan ula dhaqmin sida Itoobiya laakiin loo ogolaado masaajiddooda. Qaar dhoofi karaan. Xisbiyo ku biiri karaan! Waa sida ugu fiican ee dadka loo maalo! Marka si loo eego, Soomaalidu waxay dhisayaan dhaqaalaha Kenya. Soomaali kasta waa kuu sheegayaa in faraq weyn u dhaxeeyaan Nairobi, Addis Ababa, iyo Kampala. Marka laga reebo la-dagaalanka Argagixisida; Kenya waa ogaayeen inaan Soomaalidu khatar ku heyn sidaas darteed ayey iska maali jireen. Dhinaca kale, Soomaalidu waxay ka fushan jireen dano badan oon ka suurta galeyn Kampala iyo Addis Ababa toona. Xitaa nimankaan hadda sheeganayana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha baa deggenaa oo ka ganacsan jiray!
Waxaa ka sii daran waa in Kenya dal naga heysato. Labadii waddan waa isu furan yihiin bad iyo berriba. Iska daa Soomaalida Jubbooyinka deggenne, hadday Kenya tiraahdo waxaa sharci la siinayaa Soomaalida joogta Puntland iyo Somaliland; in badan oo dadkaas ah baa aadaya!
Dhibta Kenya heysta waa caqli-xumo maaddaama iyaguba usii shaqeeyaan gaalada cad cad. Si kastaba ha ahaatee, waa u dhib yartay in iyagoon xabad ridin Kenya qabsato Jubbooyinka! Waa hadday caqli isticmaalaan. Odayaasha dhaqanka iyo qof kasta oo Jubbooyinka jooga waxay daawo ama wax kale u raadsadaan Kenya. Keliya waxay Kenya u baahan tahay inay isticmaasho xeesha reer Galbeedka oo dadka sasabato.
Waan ogahay in Kismaayo aysan deggenen hal qabiil oo keliya ee ay hooy u tahay qabiillada Soomaaliyeed oo dhan. Sida aysan reer Banaadirigu awood ugu lahayn Xamar baa qabiillo badan oo halkaas deggen aan cidna miisaan siin. Saasooy tahay hadday Kenya shaxdaas ciyaarto baa ka dhigeysa in maamulka Kismaayo laga dhiso waxba u ogayn Xamar. Sababtu waxay tahay horta Xamar waxaa jooga Amisom oo dhowr dowladood ka socda! Ha ugu badnaadeen kuwa Ugaandha! Xamar waa ka sii dhib badneyd Kismaayo oo lama hayo hal koox ah oo guud ahaan Xamar wada qabsatay kaddib dowladdii Kacaanka ahayd marka laga reebo Midowgii Maxkamadaha halka Kismaayo kooxba mar qabsaneysay. Marka ama Amisom ha joogto ama ha baxdo’ e ma sahlana in hal koox ah Xamar qabsato. Ciidanka Ugaandha waxaa haga waa reer Galbeedka. Hadday madaxda Amisom is waasho waxaa laga joojinayaa lacagta la siiyo. Marka ciidanka Amisom waa calooshood-u-shaqeystayaal oo kale. Ciidanka Kenya saas ma aha! In kastoo laga caawiyey qabashada Kismaayo haddana waa ciidankoodii oo sooc ah oo sidoodii u dhisan. Xagga qalabka waa dhisan yihiin oo diyaarado ay maraakiib ay ku cararaan waa heystaan hadday u baahdaan. Dhulkii iyo baddii baa u furan. Arrimahaas dartood looma yeerin karo wixii la rabo.
Waa u sahlan tahay Kenya inay isu keento Barre-hiiraale, Moorgan, iyo Axmed-madoobe. Haddii ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad ay xukunto meesha joogaan; waxaa taladu ka go’aysaa Kenya. Sida Amisom u xukunto Xamar bay iyaguna Kismaayo u xukumayaan.Waxaa kaloo jira in Soomaali badan oo qaxooti ku ah Kenya ku hadlaan Sawiixiliga maaddaama uu yahay af sahlan. Halkaas waxaa u sahlan Kenya inay howl geliso Soomaali badan.
Diin-la-dagaalka kaddib, waa u sahal Kenya inay bilowdo waxay Soomaaliya u soo gashay oo ah inay ka faa’iideysato kheyraadkeenna – ha ahaado shidaal, kalluun, xoolo, iyo waxyaalo kale. Haddii dhaqaalaha adduunku sii xumaado; Amisom laguma sii heyn karo Soomaaliya laakiin arrinta Kenya waa ka duwan tahay. Ma jiro wax qarash ah oo uga baxaya Soomaaliya! Iska daa in qarash uga baxee; waxay helayaan qarash dheeraad ah. Maxaan ka wadaa? Ciidankii Kenya lahayd ee xeryaha iska joogay baa la soo durkinayaa keliya! Mushaarkiisii buu ciidanku iska sii qaadanayaa! Keliya waxay Kenya u baahan tahay inay Jubbooyinka ula dhaqanto sidii dhulkii ay awal naga heysatay oo kale! Waxay u bixin karaan Far North Eastern Province of Kenya! Canshuurta waddanka laga qaado, kalluunka iyo kheyraadka kale waa dheeri!
Waxaa dhici karta in Xasan sheekh Maxamuud is dhaho qarbudaad ku samee Kenya oo sameyso xulufo Soomaali ah oo buuq iyo dagaal ku furta Kenya! Haddaan diin lagu dagaaleyn waxaa Soomaalidu dhahdaa: geel ninkii saanad leh baa u adag! Haddii Indhocadde, Seeraar, iyo Barre Hiiraale u adkaadeen Kismaayo muddo; sidee bay rabaan inay uga adkaadaan Kenya oo wadata qabbaanno u sii khidmeynaya?
Haddii kuwa aqoonyahanno isku sheega oo odayaasha Xamar ku caqli ah saxaafadda la hadlaan oo reer Galbeedka u cawdaan; waxaa ka maqan in Beesha Gaaladu hadda u baahan tahay Kenya siday ugu baahan yihiin Tigreega! Reer Galbeedku waxay indhaha ka qarsadeen Zenawi oo leynaya dad Kiristaan ah oo Amxaaro u dhashay iyo kuwa kalaba! Sidaas darteed reer Galbeedku dan kama laha wixii gabood-fal ah ee Kenya ku sameyso shacabka Soomaaliyeed! Waxaa ka sii daran; dadkaas aqoonyahannada sheegta oo qabiil ku socda baa raba inay Amisomna ka dhigaan sokeeye; Kenyana shisheeye! Waxay meelahaas ka sheegaan in arrinta Kismaayo ka duwan tahay meelaha kale! In Xasan sh. Maxamuud loo daayo inuu maamul soo dhiso! Waa wax iska hadaaqaya! Sida la qoray waa tii Xasan sh. Maxamuud markuu tagay Baladweyne lahaa: haddaydaan tashan waa la idiin talin! Taageerayaasha Axmed-madoobe waxay dhaheen: muxuu sida Hiiraan, Xasan sh. Maxamuud, ugu deyn waayey dadka Jubbooyinku inay tashadaan intaan loo talin?
Weydiiya malaaq Showri oo goobjoog ka ahaa markii Farmaajo la ceyrinayey sida loola dhaqmay! Soow Xasanka la doortay marti uma aha isla Amisom! See qof saas ah; Kenya ugala tashataa maamul-u-dhis? Mise waxa dadka lagu qancinayo ee ah – dowladduna ha keensato dad; Axmed-madoobana ha keeno dad baa run loo qaatay. Maxay xildhibaannadii ama wasiirradii Daarood ee Amisom hoos joogay u tari kareen Farmaajo ama Cumar C/Rashiid markii Amison ceyrineysay?! Dadka Xasan sh. Maxamuud u diro Kismaayana saas oo kale bay noqonayaan marka Kenya wax sameyso!
Ma fahmin waxaa Museveni uga duwan yahay Kibaki! Xaqiiqdii odayaashii dhaqanka Hawiye iyo Bashiir Salaad iyo wadaaddo kale waxay uga fiican yihiin odayaasha Daarood iyo wadaaddada Daarood waa iyagoo waxooda caddeysta! Kuwa Daaroodku darbiyada gadaashooda bay uga hadlayaan waxa odayaasha Hawiye idaacadaha ka sheegaan. Sidoo kale Bashiir Salaad iyo C/Raxmaan sh. Cumar waa soo dhoweeyeen Xasan sh. Maxamuud; marka Umal, Shibli, C/Qaadir Nuur, iyo Axmed C/Samad ma soo dhoweyn doonaan Axmed-madoobe iyagoo u hambalyeynaya?
Xaqiiqdii, waxaa gaaladaas waddanka qabsatay looga saari karaa Jihaad kaliya. Waxa la xaali kara waa Mujaahidiinta oo qura. Marka odayaasha Xamar iyagoo is leh sadbursi sameeya bay soo saareen Kenya iyo Axmed-madoobe. Hadday Kenya isticmaasho qorshayaashaan sheegay, shaki iigama jiro inay ka faa’iideyso Soomaaliya. Waxay horay ka furi kartaa dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo. Waxay howl galin kartaa dad af Sawaaxili yaqaan oo Kismaayo ka buuxa. Milatariga ugu fiican ee Kenya waxaa ka buuxa kuwa Soomaali, Booran iyo dad kale u dhashay. Waxaa la helayaa shaqaalo “Kenya u dhashay” oo Afsoomaali ku hadla. Marka waxaan odayaashaas iyo Xasan sh. Maxamuud ku leedahay: intii lala dagaalayey Shareecada Islaamka; waxaad soo saartaan qabiilkaad la tartameyseen ee xinifta goonida ah idin ka dhaxeysay! Marka inta caqligu shaqeeyo; ma jiro qabiil gooni ah oo gaalo la xaali karee, inta isu nimaadnno ma iska saarnnaa gaala-madowda oo dhan iyadoon loo eegeyn mid ka timid Yugaandha ama Kenya? Haddii la diido arrintaas; bal aan eegnno cidda ka cabata qabsashada Kismaayo. Marka haddii dhowr kun oo Yugaandha u dhashay fuliyeen Kampala Accord; shaki ma leh in Kenya fulin karto Kikuyu Accord, arrimahaan soo sheegay dartood. Marka qolada la baxday دم جديد waxaan shaki lahayn inay yihiin ذَمٌّ جديد . Erayga hore ee daalka dhibicda leh wuxuu noqon karaa qofka madmuumka/ceebeysan ama ceebta laftigeeda. Marka kooxdaas diinta sheegan jirtay waa uun ceeb soo korartay iyo in dadku fahmo inay yihiin gaaloraacyo cusube; ma jiraan wax kalooy soo krodhinayaan.
C/Waaxid C/Laahi Khaliif.