Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii beesha caalamku u keensatay Kursiga saaran Kaaraha Amisom kuna tahay Kampala Dalka Ugandha, Halkaasoo uu kaga qeybgalayo Munaasabad lagu xusayo Maalinta Xornimada Waddankaasi Ugandha.
Booqashada Xasan Sheekh ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee dibadda ku tago,kuna tagay kuwa Uganda oo ciidankooda xasuuqa ku hayaan shacabka Somaliyeed dhulkoodana xoog ku joogaan,waxaana la yaab leh in Masaveni ka baaqday garoonka Kampala, wuxuu u soo diray xaaskiisa oo Xasan Sheekh ku gacan qaaday goobta,lama oga sababtaas laakiin Musaveni ayaa lagu xantaa inowsan raali ka ahayn in Xassan sheekh kursiga kaaarihiisa saaran fuulo, maadama ay Shariif f Sheek ay saxiibo ahayeen,hadana uu siiyay magangalyo ama inow ku noolaado Uganda walow shariif ay hor taagan yihiin caqabo kale oo badan.
Xassan sheekh ayaa la kulmi doona caqabo badan oo kampala uga imaan doona hadii aysan afgaran iskuna afgaran safarkiisa ugu horeeya,Xassan sheekh iyo ninka oo ka dhigtay Raiisulwasaaraha ayaa lagu xantaa inay aad ugu dhawyihiin Kenya oo mardhow Kismaayo xoog ku tagtay.
Banaadir Post.