Maleeshiyaadka Bililiqada iyo Boobka hantida dadweynaha kale kuma ekaane waxay xalay Kufsadeen laba Haween oo ka mid ah Haweenka Magaalada Kismaayo sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen taasi oo ka mid ah tacadiyada sida is daba jooga ah uga dhaca Magaalada Kismaayo kadib ka bixitaankii Mujaahidiinta Soomaaliya.
Ciidanka cadawga Kenya oo saldhigyo ku leh gudaha magaalada ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka yihiin dhibaatada balse ay iska hor mariyeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe Kismaayo ayaa ku guda jirta maalmo madoow laakin waxay reja ka qabtaa in ay dib usoo ceshato karaamadii ay lahayd sharciga Allana dib loogu maamulo.