Somalida ayaa ah ummad daalan oo dhib badan la gaarsiiyay dulmina badana laga galay,waxaana marqaati kaaga ah sawirka ku muuqda.
Beesha Caalamka ayaa markan keensatay kuwa mudo dheer k a shaqaynayay waxa loo yaqaan NGO-yada oo qeyb ka ah dhibka Somalia ka jira,waxayna rabtaa inay noqoto ummad macaawino ku nool oo aan wax qabsan!
C/Qaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah Ninka Maanta loo magacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ah Nin ganacsade ah oo Siyaasadda ku cusub, Waxana uu kasoo jeedaa Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Beesha Marreexaan oo uu ka yahay Reer Diini, kana sii yahay Reer Dalal, Saacid wuxuu leeyahay 4 carruur ah oo ay u dhashay Caasho Xaaji Cilmi oo ah Xildhibaanad ka tirsan Baarlammaanka Soomaaliya, Waxana ay Saacid sidookale xigto yihiin Ra’isulwasaarihii hore Farmaajo oo isagu isku doonayey in uu noqdo Ra’isulwasaaraha Dowladdan cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud.
Saacid ayaa dhawaan wuxuu magaalada Na’robi kaga dhawaaqay Urur cusub oo la yiraahdo Rajo, Ururkaasoo uu sheegay in uu doonayo in uu soo celiyo Rajada Soomaaliya.