Dhacii iyo Boobkii ugu badnaa oo Maleeshiyaadka Kismaayo Kaaraha Kenya lagu geeyay ay gaysteen!!

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi  ay dhac baahsan ka  geysteen Maleeshiyo beeleedka lagu soo daabulay diyaaradaha iyo Kaaraha Kenya.

Xaafadda Calanley Carwooyin ku yaalla xalay  ayaa dhac baahsan u gaysteen, iyadoo halkaasi ka qaatay waxyaabihii lagu ganacsanayay ee yaallay oo dhan,”waa dad aan xishoon oo naxariis xun oo hadana ciil u qaba Diinta iyo dadka Kismaayo ku nool”

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskamabooni ayaa ah kuwa is haysta oo aad ugu dhow inay faraha isla gaalan laakin waxay ka siman yihiin inay Diinta iyo dadka Kismaayo la dagaal galaan.

“Intii goob ganacsi ee ku taallay Xaafadda Calanley waa la dhacay, waxa yimid  Maleeshiyo beeleedka oo Gawaari dagaal wata” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugan halkaasi.

Saraakiisha ciidanka Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa Axmed Madoobe u fasaxay in uu shaqo ka qabto shacabka magaalada taasi oo macnaheedu yahay in Kenya iyo Axmed Madoobe iska kaashanayaan xasuuqa reer Kismaayo oo loo heysto maxaad u ogolaateen in sharciga Islaamka laydinku maamulo?.

Iyadoo ay qabqabashada shacabka sii socoto ayay barbar socdaan dilal qorshaysan oo ka dhan ah dhalinyarada magaalada illaa iyo Sedax qof oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Kismaayo lagu dilay saaka aroortii   magaaladan oo muddo ka badan shan sanadood aheyd meel amaan ah ayaa hadda naqatay magaalo marti gelinaysa dhibaato dhan walba ah.