Xamar Magaalo Nasiib Daran

Way nasiib daran tahay oo waxaa ku yaalla 20 Idaacadood wax ka badan waxaa laga afuufaa suntan dadka qalbiga madawbaysa (been) halka shilinku jiro ayay la jiraan , hadba kan wax u ogol ayaa la dhisaa maalinka uu musalafo ayaa lagu miisaa mudacyo maar leh .

Dadka ku nool way nasiib daran yihiin oo habayn iyo maalin dhagahooda waxay maqlaan waaa been iyo balaayo laga afuufo biraha beenta iyo beeso in lagu helo , kuna hana qaaday kala dilka dadka .

Waxaa xukuma dad nasiib daran oo waxay isu haystaan inay dalka wax ka yihiin laakiin sida muuqata sarjante africada cawaanta ah ayaa u meeriya inta ay samayn doonaan , shacabka ku noolna waa yartahay sida looga helo qof lagu aamino xafiis maran , waa dad ku dhashay Musuq , Dhac dadban iyo Boob cad oo soo taxnaa tan iyo lixdankii .

Waxaa ka shaqaysta dad naxariis daran una badan wax matarayaal dalalkoodii laga nacay xamarse ka ah mudanayaal macalimiin khubaro iyo sareeyayaal loo istaago , waa qaar ku jira liisaska madaw ee looga hor istaago qofka inuu shaqo qabto kadib danbiyo lagu helay .

Waxaa ku yaacay marinada magaalooyinka kuwii dhoobnaa ee wax ku noqon waayay karti iyo aqoon oo mukhaayadaha shaaha iyo shiishada lagu fuudo fadhi ku dagaalka caadaystay .

Xaqiiqadu waa culustahay runtuna waa culustahay , laakiin waa culays ay tahay qof kasta inuu xanbaarto.

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com