Basharku marna kama aanu marneyn xasad inta uu Alle u nimceeye mooye; sidaas darteed dad waliba ee kheyrka hormuud ka soo noqday waqti waliba iyo meel waliba, dadkii hore iyo kuwaniba waxaa ay la kulmeen dood kulul iyo colaad daran.
Waxey ahaayeen dadka ugu badan ee magacyada aaney laheyn loogu yeeray, waxey ahaayeen dadka ugu badan ee af iyo adin lagu dulmiyay, waxey ahaayeen dadka ugu badan ee dhibta basharka la kulmay iyagoon ehel u aheyn!
Sidaas ayay taariikhdu u soo socotay; Anbiyadii Ilaahey sidii midba mar loo soo saarayay waxaa ugu danbeeyay Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم , ka dibna waxaa dacwadiisa u guntay khulafadii, taabiciintii, intii sii raacday iyo inta sii raaceysa ilaa qiyaamaha laga gaaro.
Xilligani aynu joogno dacwadii Anbiyada dad u taagan lama waayin, towxiidkii ayaa in badan oo ka mid ah adduunka lagu faafinayaa, waxaa jira gacmo, marna baahinaya towxiidka marna birta ku difaacaya, laakin towxiidkaas cadowgiisu ma tiro yara, mana sahlana, shartiisuna ma fududa!
Eeg adduunkii oo dhan wuxuu ku mashquulsan yahay hal dhaa’ifo oo loo arkay “Khatarta Caalamka”,waxaa adduunka galbeedka, Ruushka iyo Shiinaha, Asia iyo Africa ay isku raacsan yihiin kuwaas haddii ay Caalamka qabsadaan in ay gaalo kaga dhamaatay, bal adinkuba ku fekera Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab oo New York raayada ka taagay, Ciidan Xisba ahna waddooyinka dhigay, waaliyeyaal kala duwana u magacaabay Yurub iyo Africa!!!! Ma idin la tahay Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم in xeerka “Xoriyadda Hadalka” lagu aflagaadeyn lahaa?
Haddaba Dhaa’ifadaas meesha ay doonto ha joogtee waxaa Caalamka ka takooray hadafkooda waadixa ah, iyo go’aanka waadixa ah ee adduunku uu ka qabo in hadafkaasi meel maro.
Dadka hubka sida ee Muslimiinta ah manhaj ahaan waxey dalbanayaan Shareecada Islaamka in lagu soo dabaalo dhulka oo dhan , arrinkaasna waa loo qiraa in yar oo xaasideysa mooyee, halka Caalamka gaalada marna aaney ogoleyn hadafkaas inuu meel maro, meel waliba oo Shareecadu ka talisana waxey u arkaan meel khatar ka soo socoto ama ugu yaraan dhibaato ay ka jirt. Qof waliba oo Muslim ahina wuu ogyahay in gaaladu, casri kasta ay joogaanba aysan ogolaaneyn ku dhaqanka Shareecada.
Haddii ay hadafkeena diideen waa in ay sidoo kale diidaan dhariiqii aan ku qaadanay hadafkaas, dabcsan Muslimiinta in ay dawlad noqdaan waxaa u horseeday Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم , isagaa Alle nagu hadiyeeyay, isaga ayaa mugdiga inaga saaray, isaga ayaa jahligii naga bixiyay, isaga ayaa kheyr oo dhan noo bilaabay oo na baray micnaha cizziga qofka Muslimka ah.
Markii ay reer galbeedka hadda jiraahi ay diidayaan hadafka ah Shareecada oo lagu dhaqmo, hadane waxey si cad u diidan yihiin dhariiqii aan heysanay ee Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم , iyagoo marna shaqsiyaddiisa aflagaadeynaya, mar kalena muujinaya in laga guuleysanayo towxiidka uu bashariyada u keenay!
Sidaas darteed gaaladu laba dhinac ayay inaga caayaan marka ay weerarayaan Jamaacaadka Jihaadiga ah, dhinacyadaas ayaa kala ah:-
1- Caqiidada ama ideology-yada, uu aaminsan yahay qofka Muslimka ah.
2-Dhariiqa uu raacsan yahay qofka Muslimka ah, ama qofka Muslimiinta ay ku dayanayaan.
Midka koowaad ee caqiidada ah waxey ku sheegaan “Evil” oo ay ka wadaan wax xun, sida ku dhaqanka Shareecada, fulinta xuduudaha, kala duwanaanshiyaha dhaxalka ragga iyo dumarka, Xijaabka gabdhaheena, Jihaadka iwm, arrimaas oo dhan oo qofka Muslimka ah caqiida ahaan u rumeysan yahay waxey u yaqaanaan“Evil”!
Midda labaad ee ah dhariiqa aan raaceyno iyo qofka looga dayanayo waxey u yaqaanaan “Devil” oo ah Sheydaan, sidaas darteed waxaad arkeysaa xilliyada qaar iyagoo eed kala kordhacaya shaqsiyadda sharafta leh iyo saaxibka maqaamka sare Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم .
Waxey ku qasban yihiin reer galbeedku iney Jamaacaadka Jihaadiga ah marna sharciyadda kala diriraan oo Shareecada la hirgelinayo iyo xadadka la fulinayo ee diinta Islaamka ay caayaan, sidoo kalena ay amniga lagu helay Shareecada ka soo qaadeen caburin , ilaalinta maxaarimtana ku sheegaan xoriyad la’aan!
Mar kalena waxey kala diriraan manhajka ah Islaaminimada ee aan ku raacsanahay Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم , iyadoona hadda kalmadda “Islaami” ay noqotay mid la isku takooro, sidoo kalena ah arrin tuhmad gaarsan wadamada qaar, taas oo sababtay in dad Muslimiin sheeganaya ay maanta iska diidayaan iney yihiin dad Islaamiyiin ah, ama si kale dad Islaamnimada in ay kor u noqoto u ololeynaya!
Halka dagaalku ka oogan yahay:
Saddam Xuseen-kii Ciraq maalinkii laga takhalusayay maamulkiisii waxaa la riday taalladii sawirkiisa aheyd ee Baqdaad ka taagneyd, maalinkii Qaddaafi la ridayayna waxaa cagta laga hoos mariyay sanamkiisii, taas waxey micnaheedu aheyd maamulkoodii iyo jiritaankoodii waa la soo gunaanaday.
Taalladii Saddam iyo Sanamkii Qaddaafi qofna uma ooyin, sababtoo ah shaqsiyaddooda ayay matalayeen, mana aheyn wax Umadda oo dhan ka dhexeeyay.
Laakin bal eeg maanta waxa ka dhacaya magaalooyinka ay Shabaabku ka baxaan; horta wax agabkoodaa lama helo, hubkoodana wali lama arag iyadoo la daldalanayo, madax kuwooda ah oo hurdayana xaafadaha looguma gelin, waa rag isku tashaday oo dagaalkana naga yaqaan!
Balse Raayada towxiidka oo ay ku xardhan tahay kalimadda ugu qaalisan adduunka oo dhan, waa kalimaddaلا إله إلا اللــه محــمــد رســول اللــه ayaa la arkaa iyadoo qaab suurad xumeyn ah loo sido, amaba ay gaaladu isku soo sawiraan iyagoo is oranaya muujiya guushiina!
Kuwii Xamar iyo Kalmadda towxiidka wixii dhexmaray waan aragnay, Itoobiyaankii Baydhabo qabsadayna waan aragnay, kuwi ugu danbeeyayna waxey ahaayeen adoonta reer Kenya ee qabsatay magaalada Kismaayo!
Si fiican u eeg Sawirradan
Sarkaal Itoobiyaan ah oo tilmaamaya Raayada Towxiidka ka dib markii ay tirtireen. (Baydhabo)
Waa wariyeyaal la shaqeeya cadowga, midka dhanka bidix jira dhawaan ayaa la dilay, waana ka sheekeyn doonaa Insha Allaah.(Muqdisho)
Askari Kenyaati ah oo gacanta ku taabanaya Raayada Towxiidka ka hor inta aan la tirtirin. (Kismaayo)
Haddaba Xaqaa’iqda aan soo sheegnay iyo sawirradii aan daawanay waxaa ka soo baxaya sidan:-
- Xadgudubka muuqanaya waxaa loo geysatay kalimad weyn oo qaali ah.
- Kalimaddaas Al-Shabaab oo kaliya ma lahan, balse waa kalimad ay u wada siman yihiin Muslimiinta oo dhan mashriq iyo maqrib.
- Muslimiinta oo dhan way xushmeeyaan kalimaddaas, gaaloo dhanna wey xumeeyaan.
- Sawirrada waxaa ka muuqanaya in kalmadda Towxiidka si bareer ah loogu gefayo.
- Islaamnimo waa Cizzi, gaalnimaduna waa dulli, Islaamnimada cizzigeedana waa kalimadda towxiidka.
- Afrikaanta iyo kuwa la socda waxey kalimaddaas u colaadiyeen sida Al-Shabaab oo kaliya iney matasho, balse waa mid Muslimiinta oo dhan matasha.
Hadal iyo Dhamaantii:-
Isu geynta xaqaa’iqdaas iyo warbixintii ka horeysay waxaan ka faa’ideynaa laba arrimood oo reer galbeedku aad ugu dadaalaan in aan la ogaan, ayna dadaal badan ku bixiyeen kuna bixinayaan marna in aysan banaanka u soo bixin:-
- Dagaalka maanta ay wadaan reer galbeedka iyo xulifadiisu inuu yahay dagaal ka dhan ah diinta; sababtoo ah waan soo ogaanay ku dhaqankii Shareecada iyo fulintii xuduudaha iney u arkaan “Evil” oo ah wax xun, dhariiqa aan raacnay ee manhajka nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم ay u yaqaanaan dhariiq “Devil” ama Sheydaan!
- Jamaacaadka Jihaadiga magacey doonaan ha sitaane waa dad Islaamnimada u taagan, Umaddana matala, sababtoo ah kalmadda towxiidka ee astaantooda ah maahan kalmad Urur ama Xizbi, waa kalimad ku weyn Muslimiinta oo dhan, waana kalmad xad u ah gaalka iyo Muslimka; sidaas darteed Jamaacaadka Jihaadiga ma ahan dad takooran sida reer galbeedku ku dadaalaan ee waa dad Umadda Muslimiinta ka mid ah.
Haddaba marka askariga gaalka ah uu inta soo qabto Raayada Towxiidka, fartana ku fiiqayo sida tuug, ama isku sawirayo si karaamada uu kaga qaado, ama u dulleysanayo si uu u muujiyo guushiisa; dhamaan falalkaas waxey ka tarjumayaan in reer galbeedku ay xaqiijinayaan hadafkooda ah meesha in laga saaro kalimaddaas!
Marka kalimaddaas ay xumeynayaan maahan iney xumeeyeen Al-Shabaab ama urur qura, laakin waxey xumeeyeen Ummatul Islaam oo idil, balse Gaaladu waxey u arkaan kalimaddaas iney ka tarjumeyso wixii xumaa ee Muslimiintu ku dhaqmayeen… تعالى الله عمّا يقولون علوّا كبيرا
Waxaan ku soo gunaanaadayaa cinwaankii maqaalkeyga oo ahaa “Waxey yiraahdaan -Al-Shabaab maahine waa Al-Sheydaan-” oo ay ula jeedaan waxaan la dagaalameyno Al-Shabaab maahine waa Islaamnimada, oo reer galbeedku u yaqaanaan xumaan “Sheydaan”.
Haddaba ma Shareecadii, ilaalintii xuduudaha, nabadgalyadii lagu helay, Salaadihii la isfaray iyo asturnaantii dumarka ayaa “Sheydaanimo” noqotay! MISE Kufriga reer galbeedka, fisqiga iyo fasaadka, isguursiga nimankooda iyo qaawnaanta dumarkooda….?
Eng Khaliif Muumin
E-mail: khalifmumin@hotmail.com