Hogaamiye kooxeedyada la socda ciidamada Itoobiya oo Kenya ka codsaday inay fidiso gogol looga arinsanayo maamul u sameynta Jubbooyinka.

Xilli dhowaan ciidamada Shisheeye ee Kenya iyo maleeshiyaad Soomaali ah oo la socda ay qabsadeen magaalada Kismaayo ayaa hogaamiye kooxeedyada la socda Ciidamada shisheeye ee Itoobiya waxaa ay dowladda Kenya ka codsadeen inay fidiso gogol looga arinsanayo maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyada la socda ciidamada Itoobiye aa ku soo duulay qaybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa sheegay In loo baahanyahay in dowladda Kenya ay dhigto fadhiyo looga arinsanayo aayaha dambe ee maamul loo sameeyo Jubbooyinka isagoona soo hadal qaaday in aan la soo celin maamul la mid ah kii Azaaniya.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay in Jubbooyinku aanay xilligan lahayn wax maamul ah oo ka dhisan oo la isku waafaqsanyahay isagoona sheegay in maamulka Azaaniya uu la mid yahay kuwa maalin waliba qurbaha looga dhawaaqo hase ahaatee aan wax saamyn ah ku lahayn bulshada dhexdeeda islamarkaana aan dalka ka jirin.

Waxaana uu intaasi ku daray in Jubbooyinka ay la wareegeen ciidamada Kenya kuwa DF iyo kooxda Raaskambooni islamarkaana aanay jirin koox sadexaad oo ay aqoonsanyihiin loona baahanyahay in sadexdaasi garab ay talada wadaagaan.

Ma cadda jawaabta rasmiga ah ee arinkan ay ka bixinayso dowladda Kenya oo si qar iska xoornimo ah ku qabsatay Kismaayo islamarkaana wadata maamulka Azaaniya dano dhaqaale iyo mid dhuleedna ka leh Jubbooyinka iyo weliba qaybo ka mid ah Gedo.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya oo juqraafiyad ahaan  xad beenaad la leh Soomaaliya ayaa dhinac waliba waxaa uu u tartamayaa in ilaha dhaqaalaha Soomaaliya uu la wareego walo Kenya ay baratanka dib kaga soo biirtay islamarkaana hadda qabsatay Kismaayo, arinkaasina waxaa uu Itoobiya oo mudo dheer u hanqal taagaysay Kismaayo uu ku riday madax wareer waxaana soo ifbaxaya in ay ku kala aragti duwanyihiin Kismaayo iyo arrimaheeda iyadoona ay kala wataan qabaa`il iyo hogaamiye kooxeedyo halkaasi ka soo wada jeeda.

 XIGASHO RADIO ALFURQAAN