Barre Hiiraale Oo Wada Abaabul Ka Dhan in Axmed Madoobe Kismaayo Maamulo (Warbixin).

Xilli magaalada Kismaayo ay gashay gacan cadaw ayay gudaha magaaladaasi ka jiraan xiisada colaadeed oo u dhexeeya maleeshiyaad murtadiin ah kuwaasi oo qaab beeleed isku haya.

Dhinacyada cadawga gaalo iyo murtadiin ayaa ku kala aragti arrinta Kismaayo mid walbana wuxuu doonayaa in magaalada laga hirgeliyo maamul isaga taabacsan, inkastoo mujaahidinta Somaaliya ay weli awood muuqata ku leeyihiin jubbooyinka hadane waxaa lawada sugayaa marxladda xigta qabsashada Kismaayo taasi oo ah in cadawga murtadiinta madaxa isla galaan.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in maamulidda magaalada ay kala tashanayso dagaal Ooge Axmed Madoobe iyadoona u aqoonsatay wax ay ugu yeertay “Halgamaa Sare”, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in dowladda Kenya ay damacsantahay in Kismaayo ay ka dhisto maamul maqaar saar ah oo uu madax ka yahay Axmed Madoobe halka Hoggaanka AMISOM ee Muqdisho iyo DF-ka ay diidanyihiin qorshahaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka Kismaayo gaaray ayaa kasoo horjeestay qorshaha ay Kenya maamulka Kismaayo ugu gacan gelinayso Axmed Madoobe,Barre Aadan Shire Hiiraale oo ah dagaal Ooge sanado maamulayay Kismaayo ayaa ka carooday dhaq dhaqaaqyada socda ee Axmed Madoobe lagu caleema saarayo wuxuuna wadaa abaabul uu Axmed Madoobe ku fogeynayo.

Saraakiil taabacsan Barre Hiiraale ayaa Kismaayo ku sugan waxaana kamid ah Cabbaas Gurey iyo Yaasiin Raadaar kuwaasi oomar ahaan jiray garabaha midig ee Barre Hiirale,maleeshiyaad magaca DF-ka wata oo la socda ciidanka Kenya ayaa iyana diidan in Axmed Madoobe Kismaayo maamulo.

Caadifadda qabiilka ayaa hareysay gacan ku heynta Kismaayo xiligii Mooryaanida Kismaayo waxaa maamulayay Barre Hiiraale iyo saraakiil beeshiisa ah hadda oo marxalad cusub lagalayna Barre iyo saraakiisa ma yeelayaan in Kismaayo uu maamulo Axmed Madoobe ama Nin kale oo ay isku beel yihiin.

Faarax Macalin oo katirsan mas’uuliyiinta Kenya ayaa horay u yiri “Ma dhici doonto in Kismaayo iyo Kulbiyoow Muqdisho laga maamulo”, hadalka Faarax Macalim ayaa hordhac u ahaa damaca Kenya ee ah in ay Jubbooyinka ku qabsato Maleeshiyaad khuwana ah oo kasoo jeeda beesha degta gobolka NFD ilaa jubbada Hoose balse qorshahaasi ayaa larejeynayaa in uusan guuleysan.

Dagaal Ooge Barre Hiiraale ayaa Muqdisho ku sugan suuragalna uma ahan in uu tago Kismaayo sababa laxariiray isagoo ka baqaya xarig uga yimaad ciidanka Kenya balse wuxuu wadaa abaabul uu isku xir uga dhax sameynayo maleeshiyaad ku sugan Gedo iyo gudaha Kismaayo.

Dowladda Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay duleedka Kismaayo ku xasuuqday shacab Somaaliyeed oo ay ku eedeysay in ay kasoo jeedaan qabiil taageera xoogan siiya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si kastaba ha ahaatee Kismaayo ayaa Keebla yuurar layskula yahay saacad walbana waxaa dhici kara in murtadiinta dhaxdooda dagaalamaan.

XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.