Afhayeenka jabhada Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa sheegay iney taageersan yihiin kulanka Urur goboleedka IGAD uga socda Nairobi ee looga hadlayo maamul u sameynta magaalada Kismaayo, isagoo tilmaamay in Kismaayo loo magacaabi doono guddi KMG ah oo ka kooban xubno ka tirsan jabhadiisa iyo dowlada Somalia inta maamul buuxa oo la isku raacsan yahay loo sameynayo.

Jabhada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Shiikh Axmed Madoobe oo ka mid ahaa ciidamada huwanta ee maalmo ka hor la wareegay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan maamul u sameyn Karin magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka jabhada Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa sheegay in Kismaayo aan la keeni Karin maamul laga soo magacaabay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku gacan seyray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Somalia oo ahaa in dowladiisu ay maamul u magacaabeyso Kismaayo.

“Waxaan jeclaan lahaa Madaxweynaha inuu akhriyo dastuurka, kuma qorna in madaxweynuhu uu maamul u sameeyo gobollada dalka, sidaa daradeed waxaan ugu baaqi lahaa inuu dastuurka dib ugu laabto oo uu sharciga raaco” ayuu yiri C/naasir Seeraar.

“Anagu waxaan nahay urur siyaasi ah oo hubeysan taageersana dowlada Somalia sida ahlu suna waljameeca oo kale, waxaana xaq u leenaahay inaan qeyb ka ahaano maamul kasta oo loo sameynayo Kismaayo” ayuu intaa ku daray C/naasir Seeraar.

Afhayeenka jabhada Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa sheegay iney taageersan yihiin kulanka Urur goboleedka IGAD uga socda Nairobi ee looga hadlayo maamul u sameynta magaalada Kismaayo, isagoo tilmaamay in Kismaayo loo magacaabi doono guddi KMG ah oo ka kooban xubno ka tirsan jabhadiisa iyo dowlada Somalia inta maamul buuxa oo la isku raacsan yahay loo sameynayo.

 

Kenya ayaa sanadkii lasoo dhaafay qorsheysay in gobolka Jubbada Hoose ka dhisto maamul maqaar saar ah oo hoos taga gobolka Waqooyi Bari ee xaruntiisu tahay magaalada Gaarisa si ay dhul ballaarsi u sameyso, Faarax Macalin oo kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Kenya ayaa horay u sheegay in Kismaayo iyo Kulbiyoow aan laga maamuli doonin magaalada Muqdisho ayna naqan doonaan maamul madax banaan.

Ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa dhawaan qabsaday magaalada xeebta leh ee Kismaayo wixii xiligaasi ka dambeeyay ayaa lahadal hayay halka la hoos geynayo maamulka magaalada ma DF-ka,mise dagaal Oogayaasha ama Kenya ayaa toos u maamuleysa? su’aalahaasi waxaa maanta jawaab waafi ah ka bixiyay ninka Afhayeenka u ah dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Cabdi Naasir Seeraar oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ururka Raaskaambooni ayaa galabta wareysi siiyay Idaacadda BBC-da qeybta Somaaliga wuxuuna shaaciyay in Kismaayo aan la hoos geyn Muqdisho oo ay ahaan doonto magaalo ay gacanta ku hayaan ciidanka Kenya iyo maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Jubbooyinka.

“Maamulka Kismaayo loo dhisayo wuxuu ahaan doonaa mid ay taladiisa leeyihiin dadka deegaanka ma ahaan doono mid Dowladda Xasan Sheekh ku lug leedahay”ayuu yiri Cabdi Naasir Seeraar.