Safarkii Baydhabo Xassan Sheekh iyo Sirta laga helay!
Taliyaha Ciidamada Itoobiya General Tadase iyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda itoobiya oo ugu hanjabay in ciidamadda itoobiya ay kala baxayaan Magaaladda Baydhabo iyo guud-ahaan deegaanadda ay gacanta ku-hayaan,hadii Reysalwasaare loo magacaabao shaqsi aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa,lama yaqaan sababta Wasiir ka tirsan itoobiya oo meeshii la doonayey inuu Madaxweynaha ku soo booqdo magaaladda Muqdisho,inuu kula balamo Magaalada Baydhabo inay ku kulmaan,taasina waxay ku tuseysaa lugooyadda itoobiyaanka ay markasta ku-hayaan kuwa lagu sheego Madaxda Soomaalidda.
Lama yaqaan caga-jugleynta ka soo yeertay Itoobiyaanka inay ka dhabaynayaan,hadii la magacaabo Reysalwasaare aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa,waxaana arintan hadiiba ay jirto sida aan xogtan ku heleyno ay culeys horleh ku-noqon-doontaa Xassan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMMUL JADIID oo awal qaati-ka-taagnaa maalmahan caga-jugleyn uga imaaneysay Maamulka Puntland oo doonaya inay sanka ka geliyaan in iyaga loo magacaabo Reysalwasaaraha.