(Qosol) Kulan Cabdi Iley uu kula qaatay Faroolle magaalada Jigjiga oo uu Ina-Iley ku hadlayey Af Amxaari halka Faroollana uu ku hadlayey Af-Soomaali Iyadoo loo kala tarjumayey.

Waxa magaalada Jigjiga ee DeegaankaSoomaali Galbeed ee ay Itoobiya gumeysato ka dhacay Kulan uu u qeybsanaha Dowladda Itoobiya ee Kilinka 5aad Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi-Iley) kula qaatay Horjoogaha Maamul-Goboleedka la magacbaxay Puntland C/Raxmaan Faroolle, Waxana Kulankaas oo ka dhacayey Xarunta madaxtooyada Cabdi Iley uu ku leeyahay magaalada Jigjiga uu ahaa mid Wariyeyaasha ka howlgala Kilinka 5aad loo diiday in ay wax ka ogaadaan ama ay warbixinno ka helaan.

Kulanka ayaa sida la sheegay waxa ka qeybgalayey Cabdi Iley oo watay dhowr ka tirsan kalkaaliyayaashiisa oo dhinac ah iyo C/Raxmaan Faroolle oo watay dhowr ka tirsan Wasiirradiisa, Waxana wehliyey Tarjumaaan Soomaali ah oo yaqaanna Labada luuqadood ee Afka Amxaariga iyo kan Soomaaliga oo uu C/Iley ugu talagalay in uu ukala tarjumo Faroolle iyo Isaga.

C/Iley oo qudhiisa yaqaanna labada luqadood ee Amxaariga iyo Soomaaliga ayaa kusoo talagalay in uu Faroolle kula hadlo Afka Amxaariga Tarjumaankana uu u tarjumo C/Raxmaan Faroolle, Iyadoo Afsoomaaliga uu ku hadlo Faroolana dib loogu tarjumayo Ina-Iley Afka Amxaarigana loogu sheegayo.

C/Raxmaan Faroolle oo aanan marnaba kusoo talagelin in Isaga iyo Ina-Iley oo labadaba Soomaali ah loo kala tarjumo, Ayaa markii ay dhowr kalmadood is dhaafsadeen Isaga iyo Ina-Iley loona kala tarjumay, Buu eegay Wafdigiisii Reeer Puntland ee la socday oo qudhooda yaabanaa, Waxana Mr Faroolle oo yaabkiisa Kaftan ka dhigaya iskana ilaalinaya in uu ka careysiiyo Cabdi Iley uu ku yiri Wafdigii la socday:- “Hadde waad aragtaan in Waqtigayagu uu yaryahay Madaxweynaha aannu martida u nahayna uu Waqtiga nagu sii dheereeyay oo Kalimaddii la yiraahdaba in lasii tarjumo oo waqti kale lasiiyo ay naga dooneyso iyadoo laga maarmi karay, Marka aynu dulqaadanno”, kkkk, Qosol gariirna wuu raaciyey.

Wasiirradii Reer Puntland ee la socday Faroolle ayaa iyagana Qosolkii Faroolle qosol kale ku camiray iygoo aanan wax hadal ah ka oran Kaftankiisii, Cabdi-Ileyse Isagu mana la qoslin umana jixinjixin ee Af-Amxaarigiisii ayuu sii watay, Waxana goobtii lagu wadahadlay ku dhawaad Saacad iyadoo loo kala tarjumayey.

Markii Wadahadalkoodii dhammaaday oo la gaaray xilligii Faroolle iyo wafdigiisii loo soo sagootinayey dhanka Airaboorka ayuu Faroolle isku dayey in uu Cabdi Iley wax yar la socod boobsiiyo oo uu si hoose u weeydiiyo Sababta Maanta uu u doortay in loo kala tarjumo, Waxana uu isagoo Afka dhegta u saaraya uu weeydiiyey:- “Madaxweyne Maanta Maxaad Afka Soomaaliga isaga dhowrtay”?.

Cabdi Iley oo sida ka muuqatay sugayey in Su’aashaas uu Faroolle weeydiiyo baa dhinac ula yara baxay Faroolle uguna jawaabay:-

“Waxan rabaa in aan jawaabta su’aashaada 2 qeybood u kala qaado oo aan qeybta hore uga jawaabo si Principal ah, kuuna sheego in aanan ku qasbaneyn ku hadalka Luqad aanan ahayn tan Waddankeyga aan matalayo ee Itoobiya, Balse Qeybta kale ee ah Jawaabta aan ka bixinayo su’aashaada waxay tahay, Waxan rabaa in aan ku xusuusiyo hadal aad magaalada Garoowe ka jeedisay xilli aanan sidaa usii fogeyn markii Warbaahintu wax kaa weeydiisay dad Soomaaliyeed oo u dhashay Kilinka 5aad qaasatan Qabiilka Anigu aan ka dhashay ee Ogaadeen oo Ciidankaagu ay soo qabqabteen, Waxana Warbaahintu ay ku weeydiiyeen Sababta Dadkaas Soomaalida ah aad u soo qabqabateen ee aad u raafeysaan, Waxana aad ku jawaabtay:-(Dadkani Soomaali ma’ahan ee Afka Soomaaliga ayey barteen oo ku hadlaan), Marka waxan rabaa in aan kuu sheego Maanta Aniga Dadkaas aad ku sheegtay Dadka Afka Soomaaliga bartay ee aan Soomaalida ahayn ayaan ahay, Markaa Sabab aad iiga dalbataa Af aanan u dhalan ee aan bartay in aan kugula hadlana waa kuu Doqonnimo”. Ayuu yiri Cabdi Iley oo Socodkiisii dib u billaabay kaaliyayaashiisana ku amray in Wafdiga Airaboorka loo sii sagootiyo.

Faroolle Isaga Kalimad kama soo bixin markii intaa lagu yiri, Sidaas buuna kaga soo amba-baxay magaalada Jigjiga.

N.B. HADDII AAD FADUUL BADAN TAHAY XASUUS BADNOOW.

W/Q:- RODA AXMED SAHAL (RAALLIYO).