Dad badan oo aan waxba kala socon ammaan darida ka jirta magaalada Muqdisho waxay inta badan Warbaahinta ka maqlaan falal murugo badan oo Maleeshiyaad DF ay ka geystaan magaalada Caasimadda.
Falalkaas waxay isugu jiraan dil, dhac iyo kufsi, waxaana magaalada Muqdisho joogto ka noqday xadgudubyada ay geysanayaan Maleeshiyaadka Dowladda, xilli aysan jirin cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka lagu hayo Shacabka.
Gabar ka mid ah gabadhaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay waxay fara cidiyadood kaga baxsatay fal kufsi ah oo ay la damacsanaayeen Koox Maleeshiyo ah oo ka tirsan Dowladda Fedraalka, waxaana ay Warbaahinta ay kaga warantay sida uu falkaasi u dhacay.
“ Anigoo kusii jeeda gurigeena oo kuyaalla Jidka Warshadaha ayaa waxaa igu amray inaan istaago laba Askari oo Dowladda ka tirsan, midna Tuute ayuu labisnaa, kan kalena dhar caadi ah ayuu sitay, waxay igu amreen inaan galo gaari ay wateen” ayay tiri gabadhahaasi oo sababo ammaan dartiis ka gaabsatay inay magaceeda sheegto.
Iyadoo ay illintu ka qubaneyso ayay sii hadashay: “ annagoo wada taagan ayaa waxaa iisoo dhacay Teleefon, islamarkiiba Askarigii dharka caadiga ahaa sitay ayaa igu soo booday, wuxuuna igu dhuftay Baadka qoriga, teleefonka ayuu iga dafay, dhinaceyga ayuuna soo aaday anigana waan ka cararay, way isoo raacdeysteen, waxaan ka galay Masjid ku yaalla meel udhow Jidka Warshadaha, xilligaas waxaa lagu jiray Salaadda Cishaha”.
Markii Salaadda laga baxay ayaa Jamaaacadii Masjidka ku tukaneysay waxay wareysteen gabadha iyo sida ay wax u gaareen, inkastoo qofna uusan ku dhiiran inuu daba galo Askartii tacaddiga kula kacay gabadhan Muslimadda ah ee la dhibaateeyay ayaa haddana qaar ka tirsan Jamaacadii Masjidka waxay gabadha ku saacideen inay u kaxeeyaan gurigooda, waxaana Teleefonka laga qaatay ugu sii daran jugta kasoo gaartay Qoriga Baadkiisa ee lagu dhuftay.
Falkan iyo falal ka daran waxay si joogto ah kaga dhacaan Magaalada Muqdisho ee Dowladda Fedraalku ay sheeganeyso inay maamusho, iyadoona dhibaatooyinkani ay geysanayaan Askar ka tirsasn DF, xilli Saraakiisha Ciidamadu ay mar walba sheegaan inay wax ka qabanayaan Askartaasi dhibaatooyinka u geysanaya dadka Shacabka, hase yeeshee ma muuqato tallaab horumar leh oo horey loo qaaday, waxaana arrintu ay u muuqataa qowda maqalsii waxna ha uqaban!
Isha Maqalka: Radio Alfurqaan