Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale keebaa ku soo hormari doona Kismaayo?

Bishii September 2008-dii waxey Mujaahidiintu Kismaayo kala wareegeen Barre Hiiraale iyo maleeshiyaadkiisii halka bishii October 2009-kii ay Mujaahidiintu magaaladaas ka eryeen Axmed Madoobe iyo maleeshiyaadkiise, laakin labada ninba hadda keebaa magaalada u soo hormari doona?.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Barre Hiiraale iyo maleeshiyaad taabacsan in ay ka soo dhaqaaqeen dhanka degmada Ceelwaaq, halka maleeshiyaad kale ay ka soo laalaabteen dhanka degmada Garbahaarey kuwaas oo wehlin doona Barre Hiiraale.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa maleeshiyadiisu kaga sii hormartay Kismaayo kuwaas oo shalayba magaalada qeyb ahaan soo galay balse wali cabsi ku joog ah, halka Axmed Madoobe la filanayo maanta inuu magaalada gudaha u soo galo.

Labada nine e Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe qudhooda waxey kala qabsadeen Kismaayo sanaddii 2006-dii oo marna Axmed Madobe oo Maxkamadaha ka mid ah uu Kismaayo ka qabsaday maamulkii Dooxada Jubba, hayeeshee Barre Hiiraale ayaa dhankiisa dib u qabsaday Kismaayo markii ay dalka soo galeen ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna maamulayay ilaa ay Mujaahidintu dib kaga saareen magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa hadda isu arka in aan lala qiimeysan Karin Barre Hiiraale iyo reerkiisa maadaama maleeshiyaadkiisu ay dhib badan kala kulmeen duulaankii Kenya ay ku soo gacan siiyeen ee ka soo billowday xad beenaadka, laakin arrinkaas maahan mid u dhadhamaya beelaha kale.