Maleeshiyaadka DF-KA oo dhac ka geystay duleedka Muqdisho xili amnigii la sheegay iyago caqabad ku yihiin

Wararka laga helayo Deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qoysas barakacayaal ah oo tiro ahaan gaaaraya illaa 300-boqol oo Qoys, Sahay gar-gaar oo loo qeybinayay ay ka boobeen Maleeshiyaad  ka amar qaata  ninka sheegta inow yahay Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siiddii.

Qaar ka mid ah Haweenkii Barakacayasha ahaa ee Raashinka laga dhacay maanta  ayaa waxa ay sheegeen inaysan aheyn markii ugu horeysay ee Ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Sh/hoose ay dhac iyo boob u gaystaan, iyagoo hoosta ka xariiqay in maalmo dhoweyd ay Ciidamadaasi ka dhaceen tiro Arri ah oo loogu deeqay.

Shalay ayay aheyd markii Waxgarad, Aqoonyahanno iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Afgooye ay ugu baaqeen Xasan Sheekh Max’ud in uu xil ka qaadis ku sameeyo Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo ay ku sheegeen in uu yahay mid dhibaato badan ku haya shacabka ku nool halkaasi.

Banaadir Post