Wararka laga helayo magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in habeenkii xalay magaalada laga maqlayay dhawaqa Madaafiicda BM-ka oo kasoo dhacayay dhinaca Badda oo ay taaganyihiin Maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Kenya.
Dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa ku nafwaayay duqeyntaasi, waxaa sidoo kale jira tiro kale oo ku dhaawacmay duqeynta, kuwaasi oo illaa iyo hadda la la’yahay meel dhaawacooda la geeyo, maadaama Isbitaalka Kismaayo loo xiray falalka amaan darriada ee ka taagan magaalada aawgeed.
Xaafad walba oo magaalada ka tirsan waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan iyo Kooxo hubeysan oo burcad ah oo dillaacay, kuwaasi oo dhacaya dadka rayidka ah, guryahana galaya, sida ay soo sheegayaan goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo.
Dhinaca kalena Ciidamada Huwanta ah ee isugu jira Soomaalida iyo Kenyaanka waxay weli ku dhiiran la’yihiin inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, waxayna ka cabsi qabaan qarxyo iyo weerarro gaadmo ah oo ay kala kulmaan Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta oo suura gal ay tahay inay weli ku suganyihiin qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo.