Dowladda Kenya oo dalbatay in ra’iisul wasaare laga dhigo nin ay iyadu wadato oo kasoo jeeda dhulka ay gumeysato ee Soomaaliya.

Sida aan ka xiganay xildhibaan Maxamad Amiin oo kamid ah ragga kasoo jeeda dhulka Soomaalida ee ay Kenya gumeysato , madaxda dowladda Kenya ayaa madaxweynaha cusub ee Xassan Sheekh Maxamuud u gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in ra’iisul wasaare loo magacaabo shakhsi ay iyagu wataan.

Warqadda oo lix maalmood ka hor soo gaartay madaxweynaha cusub ayaa sababtay in uu dib u dhac ku yimaado magacaabista ra’iisul wasaaraha oo la qorsheeyay in laba todobaad gudahood lagu magacaabo.

Dowladda Kenya ayaa Xassan Sheekh Maxamuud u sheegtay in ay qabsandoonto magaalada Kismaanyo, maamul gooni ahna u sameysan doonto, haddaanan la tix galin codsigeeda.

Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo xogta maqlay ayaa aad u carooday, taa badalkeedana wuxuu magaalada soo galiyay war ah in isaga la magacaabay, taasoo uu kaga dan lahaa in uu wax dareensiiyo dadka wax fahmaya lana socda siyaasadda.

Dowladda Kenya oo aaney wali ciidamadeeda galin magaalada Kismaanyo ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay magaalada oo ah caasimadda sadaxaad ee Soomaaliya, imikana waxay sugeysaa laba arimood midkood oo kala ah, in ay la timaado ra’iisul wasaare ama in magaalada Kismaanyo looga soo taliyo Nayroobi.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in Xassan Sh/Maxamuud uu ku wareersanyahay qadiyaddan, inkastoo loo badinayo in uu qaadandoono go’aanka dowladda Kenya ee ah in Ra’iisul wasaare loo magacaabo qof ay iyadu wadato.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN