Muddo kabadan Afar sanadood oo xariir ah ayay magaalada Kismaayo ku jirtay gacanta Muslimiinta waxayna kamid tahay taariikhda ay leedahay magaaladaasi Xeebta leh waxaana la dhihi karaa waa magaalada Kaliya ee waqti dheer uu ka dhisanyahay maamul Islaami ah caalamka Islaamka taariikhdan mucaasarka ah marka laga reebo magaalada Kaabul ee Afghanistan.
11 Bilood ayay mujaahidiinta wilaayada Jubbooyinka dagaal kula jiraan Dowladda Kenya oo kaashanaysa Yahuudda iyo Reer galbeedka, cadawga Kenya way ku hungoobeen in ay si nabad gelyo ah ku heystaan degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobley oo ay qabsadeen waxayna weeraro is xig xiga kala kulamayaan ciidamada muslimiinta shakki kuma jiro in isbedel ka dhici doono Jubbooyinka maalmaha soo socda.
Dhul hor leh ayaa lafilayaa in uu soo galo gacanta Muslimiinta dhul aan baaxad weyneyne ka baxo gacanta muslimiinta ciidanka mujaahidiinta ayaa lafilayaa in ay dib u qabsadaan Afmadoow,Dhoobley,Qooqaani,Taabto,Badhaadhe,Buurgaabo illaa iyo halka loo yaqaan Libooya Kenya.
Maalmo ka hor ayay mujaahidiintu qabsadeen Diif Somaaliya iyo Kulbiyoow oo ah deegaanno dhaca xad beenaadka ay wadaagaan Jubbooyinka iyo dhulka Somaalida ee Kenya maamusho, cadawga saliibiga ah ayaa si naf lacaarinima ah xoogga u saaraya qabsashada magaalada Kismaayo ee Dekadda leh balse qabsashada Kismaayo ma hor istaagi doonto in cadawga madaxyada laga guro jihaadkuna waa sii socan doonaan insha’allaah.
Haddii Cadawgu Kismaayo qabsado Maxa Dhacaya.
Wixii dhici doona Allaah uunbaa og waxaase xaqiiq ah in Kismaayo dhiig badan oo cadaw ku daadan doono gudaheeda magaaladani wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Somaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan waxayna aheyd magaalo ay ku loolamaan dagaal Oogayaal dabada kuwata qabaa’ilo.
Ciidanka Amniga mujaahidiinta ee madaxyada ka toogta saraakiisha cadawga,guutada Istish-haadiyiinta,guutada qaraxyada dhamaan qeybaha mujaahidiinta shaqa fiican ayay ka helayaan magaalada waxaana gudaha Kismaayo ka dhici doona howlgallo baaxad leh oo ciidanka Kenya iyo maleeshiyada Axmed Madoobe ka dhan ah.
Kismaayo waxay Afar jeer ka weynta degmada Afgooye ee Shabelaha hoose akhristoow qiyaas inta dilal iyo qaraxyada qorshaysan ah ee joogtada ka naqday Afgooye, marka lagasoo tago howlgalada jihaadiga ah ee lafilayo in ay ka dhacaan gudaha Kismaayo waxaa barbar socan doona dagaal dhax mari doona maleeshiyaad kala taabacsan dagaal oogayaasha kala ah Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.
Labadan Qabiil ee Mareexaan iyo Ogaadeen ayay ukala bixi doonaan maleeshiyaadka ku loolami doona gacan ku heynta Dekadda Kismaayo, aqoonyahanada ku sugan Kismaayo waxay saadaalinayaan in Kismaayo aysan maalinna Nabad ahaandoonin haddii maamulka Islaamiga ah beesha ka baxo.
Ciidanka Kenya ee duulaanka ku ah magaalada Kismaayo ma awoodaan in ay labada maleeshiyo beeleed isku keenaan oo ay hal maamul u dhisaan magaalada, sanaddii 2007 horraanteedi ayay kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya tageen magaalada iyagoo gelbinayay saraakiil ay isku qabiil yihiin Cabdullaahi Yuusuf durbadiiba waxaa la dhisay maamul uu madax u ahaa Cabdi Risaaq Afgaduud Amxaarada oo magaalad heysata ayuu dagaal ka dhax qarxay maleeshiyaadka Barre Hiiraale iyo kuwa Afguduud oo qaab beeleed isku heystay maamulidda Dekadda Kismaayo waxaana gacan ku heynta magaalada u haray maleeshiyaadkii Barre Hiiraale beelo badan oo isbahaysi la ah mujaahidiinta Somaaliya ayaa iyana ka dhiidhin doona maamulka Nasraaniga Kenya ee Axmed Madoobe maqaar saarka ka yahay.
La soco Xaaladaha Kismaayo Insha’allaah