Huwanta ku duushay Kismaayo: Hal sano ayay soo socdeen hal maalina way ku bixi doonaan by Eng. Khaliif Muumin

Lama sheegin Caalamka dal ku duullaamay dad iyo dal kale oo ka mira dhalay duullaankiisa, manaba ku sii jirto haddii duulaankaas uu ku saleysan yahay caqiidada sida dagaalka dalalka Afrikaanku ay ku soo qaadeen dagaanada Shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya.

Wadamada Afrikaanka ayaa ku andacoonaya in ay nabad ka dhalinayaan Soomaaliya, laakin hadalkaas oo kale waxaa loo yaqaanaa “Sheegashada Xilkasnimo iska doonka” ee loogu talo galay in lagu qaldo dadka caamada ah iyo waxma garatada shucuubta masaakiinta ah.

Hayeeshee indheer garad waliba ee Soomaali ah wuu ogyahay in aaney Afrikaantu dal ay nabadeeyaan u socone ay fulinayaan ajandayaasha reer galbeedka, iyagoo ku dagaalamaya maskaxda, maalka iyo talada cadaanka, laakin muruqa Afrikaanka adeegsanaya, waana howl calool u shaqeysad midda ay ka soo bixi karaan.

18 maalmood ayaa inaga xigta inuu sanad jirsado duulaankii Kenya ay ku soo gashay Soomaaliya bishii October ee sanadkii hore, hadda ciidamadoodu waxey fadhiyaan Koofur Bari iyo galbeedka magaalada, maamulkii Islaamiga ahaana wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay Kismaayo.

Haddaba waxaan maqaalkan si kooban ugu eegi doonaa arrimaha soo socda:-

1-Masiirka Ciidamada Huwanta.

2-Qiimeynta dagaalka soo socda.

3-Mustaqbalka Kismaayo.

4-Halkii sano iyo Halka maalin.

1-Masiirka Ciidamada Huwanta.

Dad badan baa laga yaabi lahaa iney jecleysan lahaayeen halkii aan ka doortay ka hadalka masiirka ciidamada huwanta in aan ka hadlo masiirka ciidamada Mujaahidiinta ee Kismaayo ka baxay, balse waxaan ka warqabaa in muxalliliin badan ay warbaahinada kaga xiiqeen ka hadalka arrinkaas, inkastoo anigu aan arkaayo in ay haboon tahay ka hadalka masiirka ciidamada huwanta.

Ugu horeyn waxey ciidamadani dagaallamayeen 347 maalmood, waxeyna dagaal siqid ah oo ka soo billowday xuduuda ku soo gaareen dhul ku dhow 250KM.

Waxey dagaalkooda ku adeegsadeen wax waliba oo agab dagaal oo ay lahaayeen; diyaaradaha, dabbaabaatka iyo gaadiidka gaashaaman, sidoo kale waxey isticmaaleen nuuc kasta ee hub ah oo ay heli kareen, waxaa la dhihi karaa wax u haray ma jiro.

Ciidamada Huwantu waxey isu tusin doonaan qabsashadooda Kismaayo dhamaadka howlgalkooda, waxeyna magaalada geli doonaan iyagoo daallan, askari walibana uu mar uun jecel yahay inuu biyo qabow ku cabo gudaha Kismaayo, ka dibna uu ehelladiisii inta uu waco ku yiraahdo “Waan galnay Kismaayo”.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dawladda Kenya ay ku dhawaaqdo dagaalkii iney soo afjartay mar haddii ay qabsadeen Kismaayo, ayna ku sii darsadaan faan ku aadan in ay ka dhabeeyeen wacadkoodii ahaa qabsashada magaalada Kismaayo.

Farxaddaas iyo hambalyadaas ayaa ku ek maalmo kooban, maxey Kenyaatigu ku tashadeen maalmaha xiga? ma inta ay qoryaha deegta saartaan ayay dekaddii ay ka soo dhuunteen ku baxayaan si guushaan dhankooda ah ay u ilaashadaan mise gudaha magaalada ayay difaacyo ka sameysan doonaan?

Marxaladdan oo kale waxaa ku guuldareystay maareynteeda ciidamada Mareykanka oo kaaf iyo kala dheeri ay yihiin iyaga iyo KDF-tan jilicsan, Bush-kii Mareykanka ayaa sheegtay dagaalkii Ciraq markii Baqdaad ay galeen 9-kii April 2003 in ay soo afjareen dagaalka isagoona ku beegay iclaankaas 1-dii May ee isla sanadkaas.

Dhawaqa ah dagaalkii “waan soo afjarnay” ama “howlgalkiina waa guuleystay” wuxu ahaa mid Ameerikaanku ay aad ugu farxeen laakin wuxuu ahaa mid khalad ah oo aan ka tarjumin xaqiiqada jirta, taas oo soo baxday maalmihi xigay waqtigaas, waxaa la dhihi karaa intii lagu farxay waxaa ka darneyd intii murugo ee diba martay!

Hadda Kenyaatigu shaki ma lahan guul bey sheegan doonaan, balse masiirkoodu ma wuxuu noqon doonaan ciidamo xoojin ah in ay mar kale Kismaayo u soo diraan sida Mareykankii guusha sheegtay uu ka sameeyay Ciraq 3 sanadood ka dib dhawaaqoodii, ama Kenyaatiga mowt baa ugu qoran magaaladan?

2-Qiimeynta Dagaalka soo socda:

Fashilka ugu horeeya ee duulaanka Kismaayo ayaa ah Kenyaatigu dhankooda dagaalkii inuu dhamaaday, dhanka Al-Shabaab-na uu haddaba kow u yahay, Askarta Kenya wixii Kismaayo ka danbeeya ma jeclaan doonaan in dib loo soo xusuusiyo ereyga “dagaal”, waa ciidan jilicsan oo khibrad dagaal aan laheyn, waa ciidan dhibaato kala kulmay dhariiqa, waana ciidan adeegsaday wixii awood ah ee uu heli karay, laakin inaaney dagaal danbe filan waa qarow sababaha soo socda dartood:-

1-Kenyaatigu markey Kismaayo galaan waxey u arkaan in ay gunta ka gaareen ujeedkii duulaankooda, howlgalkoodiina 100% guul uu ku soo idlaaday.

2-Al-Shabaab waxey hadda 100% bilaabayaan dagaal jabhadeyn ah, waxaana ka dhaadhacsan in ay natiijo buuxda ka keeni doonaan.

3-Kenyaatigu Kismaayo ka dib meel kale uma socdaan, way ka dhamaatay dhankooda.

4-Al-Shabaab fadhi uma yaalla waxey u socdaan Afmadow ilaa Dhoobley.

5-Kenyaatigu waxey jecel yihiin iney galaan maalmihii guusha.

6-Al-Shabaab waxaa ka go’an in ay galaan maalmihii aargudashada.

7-Kenyaatigu waxey noqon doonaan ciidamo difaac ah.

8-Al-Shabaab waxey noqon doonaan ciidamo weerar carcar ah.

9-Ciidamada Kenya waa soo daalleen.

10-Ciidamada Al-Shabaab way firfircoon yihiin.

Arrimahaas oo dhan waxey noqon doonaan culeys dusha kaga dhici doona huwanta ku duushay Kismaayo, waana xaqiiqo aan cidna inkiri karin, xal deg deg ahna aan loo heli karin.

3-Mustaqbalka Kismaayo:

Way iska cadahay magaaladu iney jawwi adag geli doonto marxaladda soo socota, waxeyna magaaladu noqon doontaa, mid dhanna ka gubaneysa, dhanna ka kala go’eysa, dhan kalena ka haawaneysa.

3-da dhinac ee magaalada Kismaayo ku loolamaya ayaa kala ah: 1-Kenya, 2-Mujaahidiinta, 3-Soomaalida taankiga Afrikaanka lagu sido ciidan iyo madaxba.

Dhinacyadaas kala duwan waxey noqon doonaan kuwo isku mashquula, mashquulkoodaasina uu saameeyo magaalada Kismaayo.

Soomaalida taankiga lagu sido waxey isku qabsan doonaan maamulka magaalada, mar Axmed Madoobe ayaa sheegan doona, Xamar maamul kale ayaa laga soo magacaabi doonaa, midkii Azaaniya xittaa waa joogaa, qabaa’ilkii dagaanka ahaa waa is eeganayaan.

Kooxdaas wuxuu waagu ku baryi doonaa iyagoo marba maamul diidaya, marba Idaacadda nin kale kaga jawaabaya, kuwaas magaalada ayay kala goyn doonaan.

Kenyaatiga guusha iska dhaadhiciyay iyo Al-Shabaab ayaa dagaalka ugu adag ka ridi doona magaalada, habeeno badan iyo dharaar cadba rasaastu waa ka dhici doontaa, Kenyaatigu si xad dhaaf ah ayay hubka u adeegsadaan taas oo keeni doonta maalinkii la weeraraba ugu yaraan magaalada meel ka mid ah in ay duqeeyaan!

Sidaas haddii ay wax ku socdaan cidda ay guul u tahay waa dhinaca aan maamulin magaalada (Al-Shabaab), waxeyna jab ku tahay qofka maamulka magaalada heysta (Huwanta), sidaas ayaa waqti badan ku lumi doonaa ilaa laga soo gaaro….

4-Maalinka: Halkii sano iyo Halka maalin.

Anigu waxaan arkaa maalinkaas dhawaa iyo dheeraaba wuu imaan doonaa, waxaan kaloo arkaa maalinkaas dhawaa iyo dheeraaba way ku xisaabatamayaan Mujaahidiinta, wayna ka walwalsan yihiin huwantu.

Waxaan kale oo aan arkaa halkii sano ee Kenyaatigu ku qaadatay imaatinkooda Kismaayo kuma qaadan doonto iney ka baxaan, hal sano ayay ku soo galeen hal maalin ayayna kaga bixi doonaan, badda ayaa ugu fiican meel ay ku baxaan si dhaqso ah.

Asbaabaha soo dadajin kara maalintaan aad bey u badan yihiin, dhinacyada is hayana midna wuxuu ku shaqeyn doonaa inuu dib u dhigo (Difaacdo), midna wuxuu ka shaqeyn doonaa inuu soo dadajiyo (Dib u qabsado).

Huwanta oo iyaga difaacanaya joogitaankooda magaalada ayaa laga yaabaa in ay asbaabaha saacidaya ay meesha ka baxaan, ama ay ku mooraal jabaan maalmaha hardanka, hayeeshee Mujaahidiinta asbaaabaha soo laabashadooda waxey ka dhiganayaan mabda’a diiniga ah, iyagoo ka helay Qur’aanka Kariimka oo adkeynaya ciribta danbe iney dadka Alle ka cabsada leeyihiin, waxaase lagu kala duwanaan doonaa labada dhinac:

Nina inuu habeenka aad u dheereysto, nina uu subaxa aad u dagdagsado…midka subaxa sugaya ayaana rajo wanaagsan.

Eng Khaliif Muumin.

E-mail:khalifmumin@hotmail.com