Boqollaal ka tirsan dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo ayaa tuban wadooyinka dhexmara magaalada, kuwaas ka warsugaya sida ay ku dambeyn doonto Xaaladda magaalada iyoCiidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka la socda ayaa weli ku dhiiran la’ inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo saacado kadib markii XSHM ay magaaladaasi isaga baxeen.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xaalad kacsnaan ah ay ka jirto magaalada, islamarkaana dadku ay isweydiinayaan waxa ay la imaan doonaan huwanta kusoo foolka leh magaalada, kadib muddo Sanado ah oo ay ku hoos noolaayeen Shareecada Islaamka.

Ciidamada Shisheeyaha ee dalka kusoo duulay iyo Maleeshiyaadka Xaabada u ah ayaa lagu yaqaanaa marka ay qabsadaan magaalooyinka Maamullada islaamiga ah ka jiraan in marka hore ay la dagaallamaan Shacaa’irta diinta Islaamka ee magaaladaasi ka jira, mana kusii jirto magaalada Kismaayo oo dhowr sano oo xariir ah oo dadweynaha ku nool lagu tadbiiqinayay Shareecada Islaamka.

Dumarka Muxajabaadka ah, dhallinyarada ay Sunnadu ka muuqato iyo goobaha Masaajidda ah ee lagu cibaadeysto ayaa waxay noqon doontaa bartilmaameedka koowaad ee ay beegsan doonaan Ciidamada huwanta ah sida lagu yaqaano Shisheeyaha la wareegay magaalooyin badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Si kasta oo ay ahaataba dadweynaha Kismaayo waxay wel wel ka muujinayaan dhibaatooyinka baaxadda leh ee kaga imaan doona Askarta Kenyaatiga iyo Maleeshiyaadka la socda, waxaana jira qoysas badan oo durba billaabay inay hirjoodaan degmooyinka kale ee wilaayada Jubbooyinka ka tirsan ee weli Mujaahidiintu ay maamulayaan.