Dhiiga Kenya”KUKUUYAHA” iyo Kismaayo

Laba Tekniko ah ayay Kenya ku waysey dagaalkii Birta Dheer ka qarxay iyo dhabar jabin loo dhigay.
Ciidankii xalay lagu soo daadshay Xeebta Kismaayo oo aan dib ugu noqon karin Markiibkii lagu keenay,biyaha Xeebta Kismaayo hal mar is bedel ku dhacay markii biyihii gudaha bada u noqdeen,waxaana halis galay maraakiibtii inay caariyaan.
Sida lagu waramayo waxaadegan Kismaayo,dadka reer Kismaayo ayaa u istaagay DUCO iyo inay iska difaacaan KUKUUYAHA.

Shacabka magaalada Kismaayo ayaa diyaargarow adag u galay sidii ay u difaaci lahaayeen magaalada, waxaa lagu soo waramayaa in shacab badan oo hubaysan ay u dhaqaaqeen dhanka xeebta ah ee lagu soo daadiyey ciidamada Kenyaatiga ah.

Ciidamda soo gaaray xeebta ayaa lagu soo waramayaa in aysan haysan haba yaraatee wax dabaabado ah amaba gawaarida dagaalka, balse waxaa la sheegayaa in laba kamid ah maraakiibta dagaalka ay dhanka badda kasoo ridayaan madaafiicda culculus ee BM-ka iyo qoryaha lamidka ah.
Banaadir Post.