Tarsan “Waddooyinka Muqdisho Isbaarooyinka ay Ciidamada Dowladda dhigtaan beey u go’ayaan, Haddii aanan si dhaqso ah wax looga qaban”.

Maxamed Maxamuud Tarsan oo ah sii hayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada ayaa Maanta si aad ah uga qeyliyey Isbaarooyin lasoo dhigtay dhammaan Degmooyinka magaalada Muqdisho, Waxana uu uu yiri tarsan Isagoo Arrintaas sharraxayey:-

“Indhaheyga ayaan ku arkay Isbaarooyinka la dhigtay Waddada ka baxda Xamar ee tagta Balcad, Wadadaas gebi’ahaanba weey go’eysaa, Maxaayeelay 14-Isbaaro ayaa Waddadaas kaliya taalla, Markaan Ciidankii Isbaaradu u tiillay u tegey oo aan weydiiyay halka ay ka tirsan yihiin, waxay ii sheegeen inay dhammaan yihiin Guutada labaad” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sidookale sheegay in Saraakiisha Ciidamadaas ay hoos tagaan uu ugu baaqay inay Ciidamada waddada ka qaadaan, isagoo yiri:-

“Ninka Taliyaha ka ah Guutada Labaad waxan u sheegayaa in qeyrul Mas’uulnimo ay tahay in ciidan Isaga hoostaga ay waddada dadka Lacago baad ah uga qaataan, Haddii Taliyuhu uu yiraahdo iima tirakoobna Ciidamadu, Waa Qeyrul-Masuulnimo kale, Haddiise uu qirto in uu Isaga howshaas u dirtay, Taasi waxay u taallaa Madaxda kale ee Ciidamada ama Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya”. Ayuu yiri Tarsan oo careysan.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya, Xilli Darawallada Gaadiidka kala duwan ee ku safra duleedka Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin Isbaarooyin soo kordhay oo lagu baarto Gaadiidkooda, Islamarkaana looga qaato lacago baad ah oo aad u farabadan.