Shariif Sheekh Axmad oo ay magangalyo siyaasadeed u diideen kuwa loogu yeero beesha caalamka iyo ALAA SHEEKH oo tahriibiya

Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay codsi uu u gudbiyay  Shariif Sheekh , kaasoo ahaa in ay siiyaan magangalyi siyaasadeed.

Saraakiil ka tirsanaa  ALAA SHEEKH oo sheeaciyay warka xaqiijinaya arintaasi ayaa sheegay in Shariifku uu si weyn uga xumaaday tallaabada ay Mareykanku ku diideen magangalyo siintiisa.

Shaqaalihii xukuumaddii shariif ayaa u maatay dhanka Hotelada ku dhaw garoonka Muqdisho iyo isgoyska KM4 halkaasi oo qarash badan uga baxayo.

Magaalada Muqdisho waxaa weli kasii firxanaya saraakiil xilal sare ka hayay dowladii shariif Sheekh Axmed madaxda ka ahaa ee dhacday kadib markii lasoo magacaabay Xasan Sheekh.

Cabdi Raxiim Ciise oo shariif u qaabilsanaa dhanka warbaahinta ayaa la sheegay in uu Nairobi kusii jeedo kadibna uu geli doono mid kamida xeryaha qaxootiga Kenya  si uu u sugo qorshe isxamaarsi dhanka Mareykanka ah, Ina Ciise ayaa lagasoo xigtay isagoo leh “Xaaskeyga ayaa Mareykanka igeynaysa”.

Shariif Sheekh Axmed ayay odayaal beeshiisa ah ku cadaadiyeen in uusan dayicin dhalinyaro iyo saraakiil beeshiisa ah oo uu ku shaqeystay.

Banaadir Post.